(Germany) 19 Sebt 2019. Laacibka khadka dhexe kooxda Man City ee İlkay Gündoğan ayaa iska fogeeyay muranka ka taagan cida u qalanta inuu noqdo goolhaayaha koowaad ee xulkiisa qaranka Germany.

Goolhayaha kooxda Barcelona ee Marc-André ter Stegen  ayaa dhaliyay muran xoogan kaddib markii uu sheegay hadal uu ku muujinayo sida uu uga careysan yahay inuusan heysan doorkii uu ku lahaa xulkiisa qaranka Germany, maadaama si joogta ah looga doorbiday goolhaayaha Bayern Munich ee Manuel Neuer.

İlkay Gündoğan ayaa inta uu ku gudi jiray wareysi uu ku bixinayay shabakada “Sky Sport” ee dalka Germany ayaa waxaa wax laga weydiiyay arrinta ku aadan labada goolhaaye ee xulka qaranka Germany wuxuuna ku jawaabay:

Image result for ter Stegen and Manuel Neuer

“Aniga ahaan, labaduba waa heer caalami”.

“Tani dhab ahaantii waa arin raaxo leh, waa inaan ku faraxnaa, halkii aan ka qeyb qaadan laheyn dooda kulan ee ku saabsan, sababtoo ah waxaan heysanaa labo goolhaaye oo waaweyn”.

“Haddii uu Neuer fiican yahay ama Ter Stegen, taasi waa su’aal la mid ah keebaa fiican xiddigaha Messi iyo Ronaldo, qaarkood waxay doorbidayaan mid ka mid ah, halka qaarka kalena ay dooranayaan kan kale”.

Waxaa xusid mudan in macalinka xulka qaranka Germany ee Joachim Löw uu si joogta ah ugu tiirsan yahay adeega goolhaayaha kooxda Bayern Munich ee Manuel Neuer, inkastoo Ter Stegen uu ka sameynayo qaab ciyaareed aad u wanaagsan kooxdiisa Barcelona.

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR