(London) 12 Jan 2019. Tababare Emery ayaa markale keydka u dhaa-dhiciyay Mesut Ozil ciyaartii dhawaan ay guul darada kala kulmeen West Ham oo gool madi ah ku martay taa oo ka yaabisay dad badan.

Kubbad qaabeeyaha asal ahaanta ka soo jeeda Turkiga ayaa kulan uu u safto Gunners waxaa ugu dambeysay tan iyo kulamadii Boxing Day sababo la xiriira dhaawac jilibka ah balse taam ayuu u ahaa kulankan kaddib markii uu si buuxda uga qeyb qaatay Tababarka, balse Tababare Emery ayaa af cad ku sheegay:

“Ciyaartoyda halkan joogta ayaa ku wanaagsan kulanka Maanta.”.

Ozil oo Tababar la sameeyay xiddiga kale ee Muslimka ah Maxamed Elneny intii lagu guda jiray guul daradii Arsenal ka soo gaartay West Ham ayaa soo wada duubay muuqaal Cajiib ah.

Lama garanayo waxay ula jeedaan, balse Bogga Istagram ka Elneny ayaa la soo dhigay Muuqaalkan waxyar kaddib markii la shaaciyay safka ay Arsenal ku soo galeyso West Ham kaa oo laga reebay Ozil. Waxayna u badan tahay in Ozil uu u jawaabayo Tababarihiisa oo aan aaminsaneyn.

Elneny oo hadalka ku horamay Muuqaalka la duubay ayaa yiri: “Waxaa jira wax muhiim ah uu doonayo inuu Ozil yiraahdo”

Ozil ayaa intaa kaddib oranaya:

“”لا تحزن إن الله معنا, Ha Murugoon ILAAH ayaa nala jira.”.

DAAWO MUUQAALKA:

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR