Jose Mourinho ayaa ugu cadcad shaqada tababare ee kooxda Newcastle United ka dib markii la xaqiijiyay in tababare Rafa Benitez inuu tagayo kooxda.

Benitez ayaa ka tagi doona kooxda marka uu qandaraaskiisa dhaco lix maalmood ka dib, waxaana durbaba bilowday raadinta bedelkiisa.

Macalinkii hore ee Manchester United Jose Mourinho ayaa u muuqda mid ay taageerayaasha doonayaan halka shirkadaha qamaarka ay iyaguna ka dhigteen ninka ugu cadcad ee shaqada qaban doona.

Taageerayaasha Newcastle United ayaana laga cafin karaa inay ku riyoodaan imaanshiyaha Jose Mourinho ee St James Park, waxaana ugu wacan hadal uu hore Mourinho uga yiri kooxda.

Mourinho ayaana ka warqaba xiisaha loo hayo, waxaana uu u sheegay asxaabtiisa in shaqada Newcastle ay tahay mid uu si dhab ah uga fiirsanayo.

Waxa uu qalbi jilcan u hayaa dadka Newcastle tan iyo markii uu la soo shaqeeyay macalinkiisii iyo halyeeyga Newcastle Bobby Robson oo ay isla joogeen Sporting Lisbon, Porto iyo Barcelona sannadihii 90meeyadii.

Robson ayaa uga sheekeeyay Mourinho taariikhda garoonka St James Park iyo kooxda Newcastle.

Mourinho ayaana yiri xagaagii hore: “Waan jeclahay inaan halkaas aado. Waan jeclahay inaan tago guriga Mr Robson. Waan jeclahay dareenkaas. Waan jeclahay garoonka. Waa Jeclahay jawiga. Waa taageerayaal xamaasadeysayn, waan jeclahay dadka Georgie-ga ah.”

Waxa uu ku adkeysanayaa inuu u furan yahay inuu tababare ka noqdo koox aan ka mid aheyn kooxaha waa weyn laakiin mustaqbalka u tartami karta koobab. Tababaraha reer Portugal ayaa aaminsan in Newcastle ay tahay kooxdaas.

Waxaa cajiib ah in Mourinho uusan kulan horyaal ah ku badinin St James Park todobo jeer uu isku dayay isagoo macalin u ah Chelsea iyo Man United, waxaa garoonkaas looga soo badiyay afar jeer, waxaana uu barbare ku galay seddex jeer kale.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR