Dhawaan ayay ahayd markii wakiil Mino Raiola oo masuul ka ah khadka dhexe ee kooxda Manchester United ee Paul Pogba uu kasoo yeedhay hadal uu ku eedaynayay madaxda kooxdaas isaga oo horena u sheegay rabitaanka bixitaan ee xiddiga kooxdiisa.

Dabcan xilli suuq kasta waxa jira xiddig arrimihiisu yihiin kuwo ka adag kuwa ciyaartoyda kale Pogba ayaana u muuqda midka haatan dhibaatadaas maraya marka laga yimaado inuu mudo kahor dareenkiisa dhabta ah sheegay.

Pogba ayaa qirtay inuu doonayo bilaabista loolan iyo tartan cusub taas oo caddayn u ah sida uu u go’aansaday inuu iskaga hayaamo Old Trafford.

Marka laga yimaado rabitaanka Pogba, Wargeyska The Mirror ayaa sheegay in hadalka Raiola uu cadho ku abuuray isla markaana ay sii qaaliyeeyeen qiimaha Pogba ay ku doonayaan.

Mirror ayaa sheegaya in madaxda Red Devils ay lacagtii 180-ka Milyan ee euro ahayd ay kordhiyeen isla markaana laga bilaabo haatan ay dalban doonaan 200 Milyan oo euro.

Haatan waxay u muuqataa sidii oo ay Pogba iyo wakiilkiisu xadhig dhinac ka jiidanayaan halka cidhifka kale ee xadhiga ay haystaan madaxda Man United balse waxa hubaal ah inay u baahan doonaan inay is fahmaan.

Pogba ayaa isagu markasta ku guuleysan kara dagaalkan haddii uu warqada codsiga bixitaankiisa u gudbiyo kooxda balse su’aasha ayaa ah miyay Real bixin doontaa lacagta intaas le’eg ee ay Red Devils dalbanayaan?

Real Madrid ayaa haatan loo arkaa kooxda kaliya ee baaqiga ku ah tartankiisa kaddib markii la sheegay in kooxdii kula tartamaysay ee Juventus ay iyadu gabi ahaanba ka hadhay tartankiisa.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR