Sida ay ku warrantay MilanNews saxiixa cusub ee AC Milan Lucas Paqueta ayaa kusoo bilaaban doona kulan barri ay kooxdiisu la ciyaari doonto Sampdoria.

Laacibka reer Brazil ayaa Rossoneri kusoo biiray horraantii bishan, tababare Gattuso ayaana diyaar u ah in uu xidigan kusoo bilaaba kulanka katirsan wareegga 16-ka Coppa Italia.

Da’yarkan weerarka ka ciyaara ayaa si wanaagsan uga qayb qaatay tababarkii maanta ee kooxdu isugu diyaarinaysay kulanka barri.

Taas ayaana fududaysa in laacibkan loo saadaaliyi in uu kusoo bilaaban karo kulankiisi ugu horeeyay ee kooxda Serie A.

Haddaba waa kan safka macquulka ah ee ay AC Milan ku wajihi ka

Reina; Conti, Musacchio, Romagnoli, Rodriguez; Kessie, Bakayoko, Paqueta; Castillejo, Higuain, Calhanoglu.

Tababaraha AC Milan Gattuso ayaana wax badan oo kusaabsan kulanka saxaafadda uga warbixin shirkiisa jaraa’id ee ka horreeya ciyaarta.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR