(Europe) 16 Maajo 2018. Neymar ayaa si xun lala xiriirinayaa inuu xagaaga ku biiri doono kooxda Real Madrid, waxaana arrinkan wax laga waydiiyay Lionel Messi.

Xiddiga reer Argentina ayaa waqti qurux badan Nou Camp kula qaatay wiilka reer Brazil wuxuuna sheegay in haddii uu ku biiro kooxda ay coltamaan ay noqon doonto wax aad u xun oo qofkasta dhabar jab ku noqon doona.

“Waxayn noqon doontaa mid aad u xun sababtoo ah waxa uu Neymar ula micno yahay Barcelona,” Mesi ayaa sidaa u sheegay Barnaamijka Libero ee TyC Sports.

“Halkan waxaan ku guuleysanay koobab muhiim ah, Champions League, La Liga….. dhabar jab wayn ayayna ku noqon doontaa qofkasta.

“Mid fiican ayay ka dhigi doontaa Real Madrid markii aan la hadlayna isaga, wuu ogyahay midaa.”.

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR