Antonio Conte ayaa amaan kala duldhacay shaqsiga la hadalhayo in lagu bedalo doono shaqadda macalinimo, ee uu hadda ka hayo kooxda kubada cagta Chelsea, kaasoo ah Luis Enrique, oo dalka Spain kasoo jeeda.

Conte, oo sidoo kale ka hadlay sida uu u arko in lagu bedalo Luis Enrique, ayaa cod dheer ku tilmaamay in uusan waxba u arkeen hadii maamulka kooxda uu hada marajaha u hayo ay go’aankaas ay qaataan.

Wuxuu ku sifeeyay Luis Enrique, nin howlkar ah, kaasoo guulo waa weyn lasoo gaaray camaaliqadda dalka Spain ee Barcelona, ka hor inta aanan lagu bedalin ninka hada shaqada haya ee Ernesto Valverde.

Image result for Luis Enrique AND Conte

“Waa macalin cajiib ah, waa qirsanahay Luis Enrique, waxaana uhayaa xishmad weyn, shaqsi ahaan waan lasoo dheelay isaga,” ayuu Conte yiri.

“Shaqsi ahaan iyo macalin ahaan waa ka hadli karaa isaga, waana si weyn kooxda isugu dabaridda – Wuxuuna guulo kasoo gaaray Barcelona iyo Roma,” ayuu hadalkiisa ku daray Conte.

“Kooxda waa ay qaadan karaa go’aano kala duwan – Waana soo dhaweynayaa xaaladan waana fahmi karaan, laakiin shaqadeyda ma ahan mid adag,” ayuu ku jawaabey mar la weydiiyay hadii lagu bedali rabo Luis Enrique.

“Mar kale, ayaan ku celinayaa macalin kama walwalo ama kama maseero mid kale, qof walba waa uu yaqaanaa shaqadiisa, mar walba xishmad ayaan uhayaan [Chelsea],” ayuu Conte kusoo gaba gabeeyay hadalkiisa.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR