Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda hawlgalo ciidamada ammaanka ay wadaan, kuwaasi oo lagu beegsanaayo Mootooyinka Bajaajta iyo kuwa labada lugood leh ee Magaalada dhex socda.

Ciidamada ayaa si gaar ah u beegsanaya Mootooyinka taariko la’aanta ah, kadib markii maalmihii dambe dhac kala duwan loogu gaystay dad shacab ah, kuwaasi oo moobeelada looga dhacaayay.

Hawlgal xalay ciidamada ammaanka ay ka sameeyeen ayaa waxa ay ku soo qabteen 19 mooto oo isugu jira kuwa labada lugood leh iyo Mootooyinka Bajaajta oo taariko la’aan ahaa.

Dadka waday mootooyinkaan ayaa waxaa la geeyay Saldhiga Degmada Boondheere, halkaasi oo xalay ku baryeen.

Ciidamada ammaanka ayaa wali Magaalada Muqdisho waxa ay ka wadaan baadigoobka, mootooyinka taariko la’aanta ah, kuwaasi oo dhaca lagu gaysto.

Ciidamada ayaa lagu arkayaa wadooyinka waaweyn, waxayna joojinayaan wadayaasha Mootooyinka iyaga oo Su’aalo waydiinaya, kadibna sii deynaya cidii sharciga ay u dhameystiran tahay, halka kuwa kalena la xiraayo.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR