Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO,
ayaa qoraal ay soo saartay  ku sheegtay
in fatahaadihii dhowaan ka dhacay gobolo kamid ah Soomaaliya ay ku dhinteen 25
Qof, halka 47 kalena ay ku dhaawacmeen, xilli weli  Roobab xoggan ka da’ayaan meelo ka mid ah
Dalka.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa
sidoo kale  sheegtay in Roobabka  mahiigaanka 
ah ee ka da’ay gobolladaasi Soomaaliya ay barakiciyeen in kabadan
270,000 oo Qof, iyadoo burburiyay hab nololeedkii Dadka iyo kaabayaashii dhaqaalaha.

Xaaladaha adag ee ka jirta qeybo ka mid
ah goobaha ay daadadku saameeyeen ayay sheegtay WHO in ay geeyeen qaddar yar oo
Naf badbaadin ah, balse uu jiro dedaallo lagu ballaarinayo howlaha gargaarka.

Xafiiska Qaramada midoobay u qaabbilsan Isuduwidda arrimaha Bani’aadamnimada (OCHA) ayaa dhowaan sheegay in kabadan 547,000 oo Qof in ay saameeyeen fatahaada Dalka ka dhacay.

PUNTLAND POST


Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR