(Russia ) 24 Juunyo 2018. Jordan Henderson ayaa tilmaamay in xulkiisa qaranka England uu heysto jiilkii ugu fiicnaa ee ka kooban xidigo aad u wanaagsan. Kadib bandhiga cajiibka ah ay ka sameenayaan koobka aduunka 2018 ee haatan ka socda dalka Russia.

England ayaa gaartay gooshoodii ugu weyneed cayaaraha adduunka kadib markii ay 6-1 ku xasuuqeen xulka Panama iyagoona gaaray wareega 16-ka.

Hadaba kabtanka kooxda Liverpool Jordan Henderson u sheegay saxaafada sida uu ugu kalsoon yahay jiilka quruxda badan ee xulka England.

“Waxaan heysanaa kalsooni badan ee ku aadan xidigaha aan heysano, sababtoo ah kuwa aad u wanaagsan, waana inaan sii wadnaa qaab ciyaareedka wanaagsan aan bixineyno”.

“Waxaan heysanaa jiil aad u wanaagsan, waxaanan u maleynayaa in tani ay naga caawin karto Koobka Aduunka 2018”.

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR