(Man United) 16 Maajo 2018. Ander Herrera ayaa kahor kulanka ay kooxdiisa Manchester United ay kula ciyaari doonto finalka FA Cup  dhigooda Chelsea sabtida soo aadan wuxuu ka hadlay xidiga uu u arko inuu yahay kan ugu fiican Premier League

Khadka dhexe  kooxda Manchester United Herrera ayaa iska diiday in Mohamed Salah uu yahay xidigaha ugu wanaagsan horyaalka  Premier League.

Wuxuu hadalka Ander Herrera imaanayaa xili uu Mohamde Salah ku guuleystay dhowr abaal marino oo ay ugu muhuumsaneed abaal marinta xidiga ugu fiicnaa horyaalka Premier League xili ciyaareedkan.

Laakiin laacibka reer Spain ayaa wuxuu u arkaa in Mohamed Salah uusan ka fiicneen xidiga kooxda Chelsea ee Eden Hazard. Isagoo sheegay in Hazard uu yahay kan ugu fiican horyaalka dalka England.

“Sida ay ila tahay Hazard waa xidiga ugu wanaagsan horyaalka Premier League, sida aan horeyba u sheegay”.

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR