(Moscow) 24 Juunyo 2018. Xulalka Japan iyo Senegal ayaa ku kala baxay barbaro 2-2 ah kadib ciyaar xiiso badan oo dhex martay.

Ciyaarta ayaa ku bilaabatay weerar iyo weerar celis, xulka Senegal ayaana cadaadis xoogan saaray dhigiisa Japan.

11-daqiiqo, Sadio Mane ayaa hogaanka u dhiibay xulkiisa Senegal kadib markii uu dhamaystiray kubadd uu soo tufay goolhayaha Japan, wuxuuna ka dhigay ciyaarta 0-1.

34-daqiiqo, Takashi Inui ayaa u soo barbareeyay xulkiisa Japan kadib markii uu si xirfadaysan kubadda u daba mariyay goolhayaha Senegal, wuxuuna ka dhigay 1-1.

Qaybtii hore ayaa lagu kala nastay 1-1.

Qaybtii labaad, xulka Japan ayaa dardar xoogan ku soo galay ciyaarta, waxayna ku sigteen inay qabtaan hogaanka laakiin Senegal ayaa kala hortagtay daafac adag.

71-daqiiqo, Moussa Wague ayaa hogaanka u dhiibay xulka Senegal kadib markii uu biriq ku riday goolka kadib baas fiican oo uu ka helay Mbaye Niang, wuxuuna ka dhigay 1-2.

78-daqiiqo, Keisuke Honda ayaa u soo barbareeyay xulkiisa kadib markii uu si cajiib ah u dhamaystiray kubadd uu ka helay Takashi Inui, wuxuuna ka dhigay 2-2.

Ciyaarta ayaana ugu danbayntii ku soo idlaatay 2-2.

Gool FM

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR