Kooxda Arsenal oo guul daro 3-1 kala soo kulantay Rennes
kulankii lugtii koowaad ee wareega 16-ka ayey markan garoonkeeda ku soo
dhaweneysa kooxda reer farnce ee Rennes kulanka lugta labaad  .

Arsenal aya si niyadsami ah ku soo gali doonta garoonka
madaama ay guul muhiim ah ka soo gareen kooxda Manchester United iyada oo xusid
mudantahay in Arsenal ay joogto garoonkeeda .

Rennes oo aan aheyn koox sahlan marka la fiiriyo qaab
ciyareedkooda ayaa dhankooda ku rajo weyn in kulankan la yimadaan waji kale oo
cusub madama kulankii lugtii hore ay ku soo adkaadeen 3-1 .

Maxaa ka cusub labada koox ka hor kualnka :

Alexandre Lacazette’ 
ayaa laga yareeyey ganaaxii saarnaa waxa uuna diyaar u yahay in uu safto
kulanka  caawa ay la ciyaarayaan
kooxda  Rennes wallow uu seegay kulankii
lugtii hore , geesta kale  Sokratis ayaa
ka ganaaxan kooxda garoonkeeda ku ciyaareysa ee Arsenal kaddib markii uu qaatay
calaamada casaanka ah kulankii lugtii koowaad .

Lucas Torreira ayaa u heysata fursad weyn in uu safto
kulankan madaamama uusan ciyaari kulankii Premier League waxa kale uu seegi
doonaa labada kulan ee soo socoto ee horyaalka madam uu qaatay casaan toos ah
kulankii Tottenham .

Henrikh Mkhitaryan ayaa seegay kulan ciyaareedkii ay
guusha  2-0 ka gareen kooxda  Manchester United bilowgii asbuucan sidoo
kale waxa uu seegayaa kulanka caawa .

Mesut Özil ayaa si layaab leh ugu soo bilowday kuln
ciyareedkii Manchester United wallow qeebtii dambe ee ciyaarta badal lagu
saaray , waxaana suura gal ah in kulankan uusan ku soo bilaaban .

Granit Xhaka ayaa seegi doona kulanka soo socda ee
tartanka Europa League hadii uu qaatao calaamad jaale ah kulanka caawa oo
khamiis ah .

Hamari Traore ayaa dib ugu soo laabtay ganaax waxa uuna
booskiisa dambeed midi gee daafac kala bixi doonaa  Mehdi Zeffane.

Ciyaartoyda kala ah 
Mehd Zeffane iyo  Da Silva oo ka
ciyaara daafca dhexe ayaa seegi doona kulanka soo socda ee tartanka Europa
League hadii ay  qaataan calaamad jaale
ah kulanka caawa .

James Lea Siliki ayaa dib uga soo laabtay dhaawac balse
diyaar u ma ahan in uu kulanka ka dhici doono 
Emirates ku soo bilowdo . geesta kale Benjamin Andre ayaa la siiyey
nasiino waxa uuna seegay kulan ciyaareedkii 
aya guusha ka gaareen kooxda Cean ciyaar ku dhamaatay 3-1.

Ogeysiiska ciyaarta :

Kulanka : Arsenal VS Rennes (Europa League)

Goobta : Emirates Stadium

Goorta : 11:00 oo habeenimo

Garsoorka : Andris Treimanis (Latvia)

Xaqiiqooyinka ciyaarta :

Rennes ayaa ugu yaraan soo dhalineysay sedex gool 3-dii
kulan ee ugu dambeyey oo ay ka ciyaarto tartanka  (UEFA Europa League).

Rennes ayaa marna laga badin shantii kulan  ee ugu dambeyey oo ay ka ciyaarto
tartanka  (UEFA Europa League).

Marka laga saaro goolasha ay iska dhaliyeen, kooxda
Arsenal waa kooxda xili ciyareedka ku lug yeeshatay goolal badan tartanka
Europe League waxa ayna dhaliyeen (11-gool)

Tan iyo xili ciyaareedkii 2009-2010 kaliya hal koox ayaa
u gudubatay wareega xiga iyaga oo markaas 3-1 oo lowgu soo adkaaday meek ka
baxsan garoonkeeda kulama bug baxa , kooxda sidaas sameesay waa kooxda reer
England ee Fullham oo 3-1 lowga soo adkaaday kulankii lugtii koowaad oo ka
dhacay garoonka kooxda Juventus balse markii la yimid garoonkeeda waxa ay ku
badiyeen (4-1).

weerar yahanka kooxda Rennes ee Ismaila sarr ayaa ku lug
yeeshay xili ciyareedkan lix gool waan in ka badan xidig kasta oo ka tirrsan
kooxdiisa ( 4-gool iyo 2-caawin )

Eeg safafka macquulka ah ka hor ciyaarta :

Advertisement

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR