( Premier League ) 11 Agoosto 2018. Kooxda Chelsea ayaa kulankeeda daah furka Premier League booqan doonta dhigooda Huddersfield Town.

Blues oo xagaagii tagay ay ku adkaatay inay ku dhameystaan afarta sare ayaa sanad cayaareedkan dooneyas inay isbadal la yimadaan iyadoo kooxda uu kulankiisa koowaad ee horyaalk uu leylinayo Maurizio Sarri .

Ogeysiiska cayaarta

Tartanka: Premier League

Waqtiga: 05:00 pm ( XGS )

Garsooraha: Chris Kavanagh

Garoonka : John Smith’s Stadium

Wararka Labada Koox

Huddersfield ayaa laga yabaa inay siiyaan kulankooda ugu horreeya xiddigaha kala ah Ramadan Sobhi iyo Adama Diakhaby.

Kooxda lagu naaneyso Terriers ayaa waqti dambe go’aan ka qaadan doonta haddii u dheelayo cayaariyahanka amaahda Isaac Mbenza, kasoo kusoo biiray maalinkii ugu bambeeyay suuqa, halka saxiixa cusub ee Erik Durm aan dhibaato la galin doonin.

Kubbad qaabeeyaha Chelsea Jorginho, kaa oo soo raacay macalinkiisa Maurizio Sarri oo ka yimid naadiga Napoli xagaagan, ayaa qarka u saaran inuu cayaartiisii ugu horreeysay Premier League uu safto.

Goolhayaha Kepa Arrizabalaga ayaa ku haboon inuu goolka ka cayaaro kaddib markii uu kaga soo biiray Athletic Bilbao maalintii u dambeysay suuqa kala iibsiga.

Laacibka qadka dhexe Mateo Kovacic ayaa sido kale laga yabaa inuu kulankiisii u horreeyay cayaaro markii uu kooxda amaah uga yimid dhigooda Real Madrid.

Guuleystayaashii koobka adduunka ee N’Golo Kante iyo Olivier Giroud, Xiddiga Belgium Eden Hazard iyo daafaca England Gary Cahill ayay doodi ku jirtaa haddii ay cayaarayaan markii ay qeyb ka noqdeen tababarka asbuucan.

Xaqiiqooyinka cayaarta

Fool ka Fool

Huddersfield ayaa guushii ugu dambeeysay horyaalka ay ka gaartay Chelsea waxay aheyd horyaalka labaad kulan ka dhacay Stamford Bridge bishii March 1963.

Waxay ugu dambeyntii ku garaaceen horyaalka heerka sare October 1954, guul 1-0 oo ka dhacday  Leeds Road. Inkastoo guuldaradaas ay Chelsea ku dhameysatay xagaagas iyagoo ku guuleystay horyaalkoodii ugu horreeyay.

Huddersfield mar kaliya ayay adkaatay 10-kii dheel ee u dambeysay horyaalkii hore waxayna  guul ka gaareen Watford bishii April 4 barbaro iyo 5 guuldaro ah.

Inta lagu guda jiray waqtigaas kooxda ayaa guud ahaan dhalisay seddax gool.

Huddersfield ayaa qasaartay 10 kulan oo Premier League sanadkan 2018, waana mid ay kaga badan tahay koox kasta.

Naadiga Blues ayaa guuldaro kala kulantay Burnley kulankoodii daah furka xagaagii hore –taasina waa mar kaliya oo ay qasaareen kulanka kowaad ee horyaalka 19 xili cayaareed oo qeyb ka ahaayeen 15 guul ayay gaartay halka 3 dheelna ay barbaro gashay.

Chelsea waa guuldaro la’aan siddeedii dheel ee ugu dambeysay Premier League oo ay booqdaan Yorkshire 6 guul ayay gaartay 2 kulanna barbaro tan iyo qasaaro 2-0 oo ay kala kulantay Leeds sanadkii 2002.

Maurizio Sarri ayaa guuldareystay kulamada furitaanka laba xili cayaareed hore oo horyaalka heerka saraa, waana Empoli 2014 iyo Napoli 2015.

Maurizio Sarri waa hogaamiyihii 12-aad ee talyaani ah oo macalin ka noqda Premier League, iyo midkii lixaad ee leyliya kooxda Chelsea

Shaxda Macquulkaa.

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR