( La Liga ) 22 Sab 2018. Naadiga Real Madrid ayaa garoonkeeda Bernabeu kusoo dhaweyn doonta dhigeeda Espanyol cayaaraha todobaadka shanaad ee horyaalka La Liga.

Los Blancos ayaa la hakiyay guulaheedii xariirka ay ku bilaabatay horyaalka markii ay barbaro ay la gashay kooxda Athletic Bilbao.

Ogeysiiska Cayaarta

Tartanka: La Liga

Waqtiga: 09:45 pm ( SGA )

Garsooraha: Antonio Miguel Matéu Lahoz

Garoonka: Santiago Bernabeu

Wararka Labada Koox

Julen Lopetegui ayaa laga yabaa inuu isku shaan dheen yar ku sameyo safkiisa kaddib kulankii bartamaha asbuucii hore ee koobka Champions League.

Alvaro Odriozola ayay suuragal tahay inuu booska daafac midig ka badalo Dani Carvajal oo la nasinayo kulankan.

Nacho ayaa la filyaa inuu qeyb ka noqdo isku shaan dheenta daafac dhexe, iyadoo Dani Ceballos uu sido kale badali karo Casemiro.

David Lopez ayaa shaki dhaawac ku jiraa, laakiin waxaa suuragala inuu ku bilaawdo kulankan weyn.

Sergio Garcia ayaa laga doorbidi doonaa Pablo Piatti dhanka garabka bidix markale kaddib markii uu gool dhaliyay kulankii ugu dambeysay.

Rubi ayaa sii ilaashan doona booskiisa markii qaab fiican ugu bilaawday xagaagan kooxdiisa Espanyol.

Xaqiiqooyinka Dheeshan

Real Madrid ayaa dhalisay ugu yaraan labad gool 18 kamida 19kii cayaar ee garookeeda ee kula dheeshay Espanyol dhammaan tartmada.

Real Madrid waa guuldarro la’aan 21kii cayaar ee ugu dambeysay garoonkooda kulanada ay ku wajahday Espanyol tartamadoo dhan.

Waxaa jira qiyaastii 2.5 goolala oo ay dhalisay 11 kooxda Espanyol 13kii dheel ee ugu dambeysay horyaalka La Liga.

Real Madrid ayaa badaisay 9 11kii dheel ee ugu dambeysay garookooda kulamada horyaalka.

Real Madrid ayaa shaqabada ilaashatay afartii kulan ee ugu dambeysay garoonkooda ay ku wajahday Espanyol dhammaan tartamada.

Shaxda Macquulkaa

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR