( Europe League ) 16 Maajo 2018. Kooxaha Atletico Madrid iyo Marseille ayaa caawa wada ciyaari doona finaalka Europe League ciyaarta ka dhici doonta Lyon.

Naadiga Diego Simone ayaa ku guuldareysatay labadii finaalka ee Champions League isagoo doonaya tan iyo 2012-kii in kooxda uu u qaado koob yurub ah markaana wuxuu ku guuleystay tartankan.

Olympique de Marseille ayaa raadineysa koobkii ugu horeyay ee yurub ah wax ka badan tobaneyso sano iyagoo guuldareystay labadii finaal ee u dameyay oo gaareen.

Ogeysiiska cayaarta

Tartanka: Europe League

Waqtiga: 09:45 pm saacada geeska Africa

Garsooraha: Björn Kuipers ( Netherlands )

Garoonka: Groupama Stadium

Wararka labada kooxood

Filipe Luis, ayaa la filayaa inuu seego cayaarta, xili lagu daray safka kooxda laakiin waxaa kusoo bilaan doonta dhinaca bidix Lucas Hernandez.

Payet ayaa laga yabaa inuu taam u noqdo ku bilaabashada safka koowaad, markii uu seegay kulankii asbuucan Guingamp dhibaato muruqa ah.

Daafaca midig Bouna Sarr ayaa cabasho garabka qabay balse waa mid taam noqon kara, taaso la minco ah Hiroki Sakai inuu booskiisa helayo haduusan taam noqon.

Xaqiiqooyinka cayaarta

Tani waa markii u horeysay oo ay tartan yurub ah ku kulmaan Marseille iyo Atlético Madrid tan iyo sanad ciyaareedkii 2008/09, markaan kooxda Spain ayaa kabisay mid kamida labada kulan waxayna aheyd heer group-ka ee Champions League

Marseille ayaa gaartay finaalkii seddaxaad ee UEFA Cup ama Europa League, waaan markii u horeysay oo finaalkan yimaadan kadib guuldarooyinkii Parma 1998/99 iyo Valencia  2003/04.

Les Olympiens ayaa ku hanimeysa in ay noqoto kooxdii u horeysay ee France ah oo ku guuleysataa koob weyn oo yurub ah tan iyo 1995/96, markasoo PSG ay garaacday kooxda  SK Rapid Wien koobkii la oran jiray  Cup Winner’s Cup.

Xaqiiqdii, kulankan waa markii u horeysay ee lagu arko labo koox oo French iyo Spanish inay isku wajahaan finaalka koob weyn oo yurub ah tan iyo qasaaro 2-0 oo ay Valencia ku garaacdan Marseille xagaagii 2003/04.

Tani waa markii afaraad uu finaal yurub ah ku hogaaminayo Diego Simeone kooxda Atletico tan markii loo dhiibay kal ciyaareedkii 2011/12 – ninka Argentine wuxuu guuldareystay labadii finaalka ee Champions League, isagoo u qaaday Europa League xagaagiisii koowaad 2011/12.

Tan iyo xagaagii 2013/14 kooxaha Spain ayaa ku guuleystay 7 jeer koobabka Champions League iyo Europa League, kaliya Manchester United oo sanadkii hore qaaday Europe League ayaa ah kooxda ka baxsan Spain ee tartan yuruba qaada.

Safafka Macquulkaa ee kooxaha Atletico Madrid vs Marseille.

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR