Lionel Messi, ayaa wuxuu yahay mid shaqo fiican qabtay xili ciyaareedkan, wuxuuna goolal muhiim ah uu udhaliyay kooxdiisa, isagooa suura giliyay inay dhibcooyin badana ay hogaanka ay kaga hayaan Real Madrid.

Kaliya, ma ahan inuu shaqo fiican uqabtay Blaugrana, wuxuu sidoo kale uu caawiyay toddobaadkan, qarankiisa kadib markii uu usuura giliyay inay usoo baxaan Koobka aduunka ee 2018-ka, oo ay qarka u saarnaayeen inay haraan.

Dhamaan, Messi, ciyaaraha uu dheelay xagaagan cusub ayaa wuxuu ciyaraay dhaqiiqadoodin garayaa 1,350 daqiidood, mana jiro ciyaaryahan kale, oo ka dheela aduunka ama xitaa Yurub oo sidaan sameeyay.

Laacibka Daafaca kaga dheela Los Blancos, ee Dan Carvajel ayaa wuxuu yahay midka kusoo dhow, isagoo dheelay 990 daqiiqodood, waxaana uu kasoo tilaabay Leo, halkaas toddobaadkii ugu dambeeyay ee La Liga.

Wiilka gaaban ee Barca, ayaa wuxuu umuuqdaa mid aanan nasan, balse shaqado adag qabtay, wuxuuna yahay mid “Howlkar ah” waxaana uu nasiino heli doonana kulanka ay kula dheeli doonana Koobka Copa del Rey Naaidga Murcia.

Kasokow, ciyaartaas ma heli doono wax nasiino ah, waxaana uu kala qeyb qaadan doonana ciyaarta adag oo ay la balansan yihiin Athletico De Madrid, kaasoo ka tirsan horyaalka La Liga.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR