Maamulka garoonka Kolkata ee dalka Hindiya ayaa raalligelin siiyay labo haween ah oo u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha ooloo diiday inay duulaan, oo mid ka mid ah ay sheegtay in lagu amray inay iska bixiso biraha lugaha ugu xiran.

Kuhu Das oo cudurka dabeysha uu hore ugu dhacay ayaa loo sheegay inay iska bixiso surwaalka xilli baaritaan lagu sameynayay. Jeeja Ghosh, oo lugaha curyaan ka ah ayaa iyadana loo sheegay inaysan duuli karin iyadoo uusan qof la soconin.

Waxay u socdeen Delhi oo ay uga qeyb galayeen shir ku saabsan xuquuqda haweenka naafada ah.

Kaddib markii ay dadku sameeyeen dibadbaxyo lagu taageeaya haweenkaas, waa loo oggolaaday inay safraan, hase yeesheen waxay sheegeen inay dareemeen “in la aflagaaddeeyay oo la bahdilay”.

Ms Das, oo cudurka dabeysha uu ku dhacay markii ay saddex sano jir ahayd, ayaa BBC-da u sheegtay inay sanado badan xirneyd qalabka ay dadka naafada ah lugaha ku xirtaan.

Galabtii Axadda markii ay garoonka aadday, haweeney ilaalada ka mid ah ayaa u sheegtay inay iska bixiso biraha lugaha ugu xiran si baaritaan loogu sameeyo.

“Markii aan diiday, waxay u wacday sarkaal kale waxayna horteyda ka sheegtay inaysan arkin weligeed qof aniga oo kale ah. Waxay u muuqatay sida inaan dhul kale ka imid. Sow taasi damqasho la`aan maaha?”

Ms Das ayaa sheegtay inaysan weligeed garoon ka baxsan Hindiya kala kulmin dhibkaas oo kale.

“Waa wax aan la aqbali karin in mar walba oo aan Hindiya joogo, ay igu amraan inaan iska bixiyo biraha lugaha igu xiran taasoo la micno ah inaan iska bixiyo surwaalka,” ayay tiri.

Waxay sheegtay in shaqaalaha GoAir, oo ah diyaaradda rakaab ay Jeeja Ghosh u sheegeen inaysan duuli karin ilaa uu qof raaco.

“Jeeja waa qof qaangaar ah” oo dunida keligeed u safarta waxayna dareemeysaa in diyaaradda ay “aad ugu xadgubtay” ayay tiri Ms Das.

Kaddib markii sheekadooda ay baahiyeen warbaahinta Hindiya, maamulka Kolkata ayaa maanta bartooda Twitter-ka soo dhigay raalligelin ay haweenkaasi siinayaan.

Labo sano ka hor, maamulka ayaa sheegay in rakaabka naafada ah aysan iska bixin doonin lugaha macmalka ah si baaritaan loogu sameeyo, balse hadda waxaa muuqato in amarkaasi uusan gaarin saraakiisha booliiska ee garoonka.

Hindiya waxaa ku nool 26 milyan oo qof oo lixaadkoodu kala dhimman yahay, balse ma helaan caawinaad ku filan.

Dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in dadka naafada ah ay si joogto ah ula kulmaan takoor iyo bahdilaad.

Labo sano kahor, haweeney naafo ah ayaa lagu amray inay seexato sagxadda tareen.

Sanadkii 2016, haweeney u dhaqdhaqaaqa xuquuqda naafada, oo gaariga curyaanka saarneyd ayaa xadgudub loogu geystay Hindiya iyadoo lagu eedeeyay inaysan u istaagin heesta astaanta qaranka oo shaleemo laga daaray.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR