Garabka kooxda Paris Saint-Germain ee Neymar JR ayaa go’aansaday inuu waxkasta u sameeyo sidii uu ugu noqon lahaa kooxdiisii hore ee Barcelona gudaha suuqa xagaagan.

Neymar ayaa suuqa xagaagii 2017 qaab aanay jeclaysan jamaahiirta iyo madaxda Barcelona kaga baxay Camp Nou waxaana uu heshiis dhan 222 Milyan ugu wareegay PSG oo wakhtigaas sidoo kale mushahar weyn u balanqaaday.

Haatan, 27 jirkan ayaa ka qoomamaynaya gabi ahaanba u dhaqaaqistiisii PSG isaga oo qaba inay indho tirtay lacagta iyo waliba baahida uu u qabay inuu isagu hoggaamiyo mashruuciisa u gaarka ah intuu qayb ka noqon lahaa midka Lionel Messi.

Si kastaba, Isbedbedelka wakhtiga ayaa ah mid haatan dhulka dhigay Neymar waxaana uu wargeyska SPORT sheegayaa inuu qaadanayo go’aanka ah inuu sameeyo warbixin uu raali gelin ku bixinayo isla markaana uu ku qiranayo inuu qalad ku sameeyay inuu ka tagay Barca.

Paris ayaa ku fashilantay inay dhaafto wareega 16-ka ee tartanka UEFA Champions League waxaana uu Neymar soo arkay in kooxdiisa cusubi aysan lahayn awooda ay kula tartamayso kooxaha ugu waaweyn Yurub.

Xilli ciyaareedkii hore ayay Real Madrid qaab bahdilaad ah ugu reebtay wareega 16-ka iyadoo wadar ahaan 1-5 kaga guuleysatay halka xilli ciyaareedkan ay Man United oo awood ahaan hoosaysay dhaawacyo badana qabtay ka cidhib tirtay tartanka.

Waxyaabaha kale ee Neymar uu hoos u dhacu kaga yimid ayay kamid tahay suuq-gayntiisa iyo arrimihiisa ganacsiga isaga oo sidoo kale bandhig xun kusoo muujiyay koobkii aduunka sidoo kalena aan usoo dhawaanin marnaba tartanka Ballon d’Or.

Si kastaba ha ahaatee, Qoddobadaas ayaa sabab buuxda u ah in Neymar uu go’aansado inuu isaga oo cidkasta la wadaagaya sheego inuu ku qaldamay inuu Barca ka tagay sanadkii 2017.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR