Horyaalada Yurub ayaa galay heerkii ugu danbeeyay ee dhamaadka xili ciyaareedka waana waqtiga lagu guulaysto koobabka isla markaana ay kooxuhu dagaalka ugu wayn u galaan sidii ay ugu soo bixi lahaayeen tartanka UEFA Champions league ee xili ciyaareedka soo socda.


Haddaba imisa kooxood ayaa ilaa hadda si rasmi ah ugu soo baxay heerka guruubyada Champions league ee xili ciyaareedka soo socda? Waxaa jira shan kooxood oo haddaba si rasmi ah u xaqiijistay booskooda UEFA Champiions league ee xili ciyaareedka soo socda iyada oo horyaalka Premier league ay laba kooxood ka mid yihiin.

Kooxaha Liverpool iyo Manchester City ayaa si rasmi ah u xaqiijistay ka qayb galkooda UEFA Champions league ee xili ciyaareedka soo socda kadib markii ay heleen dhibco ayna gaadhi karin kooxaha kale ee kaalinta saddexaad iyo afraad ku dagaalamaya ee Tottenham, Arsenal, Man United iyo Chelsea.


Wuxuuna Premier leauge noqday horyaalka kaliya ee ilaa hadda ay laba kooxood si rasmi ah ugu soo baxeen tartanka UEFA Champions league ee xili ciyaareedka soo socda iyada oo Guardiola iyo Klopp ay hubaal u noqotay in ay si toos ah kooxahooda ugu soo saareen Champions league iyada oo shan kulan iyo afar kulan u hadhsan yihiin xili ciyaareedkan sida ay u kala horeeyaan.

Barcelona oo la baxsanaysa koobka horyaalka La liga, PSG iyo Juventus oo la mid ah ayaa dhamaantood isku hubsaday u soo bixitaanka xili ciyaareedka soo socda ee UEFA Champions league.


Haddaba halkan kaga bogo Kooxaha Sida Ay Hadda U Taagan Tahay U Soo Baxsan UEFA Champions League iyada oo kuwa khadka madow lihi ay yihiin kuwa sida rasmiga ah u soo baxay:

SPAIN: Barcelona, Atlético Madrid, Real Madrid, Sevilla
ENGLAN: LiverpoolManchester City, Tottenham Hotspur, Chelsea
ITATLY: Juventus, Napoli, Internazionale Milano, AC Milan
GERMANY: Bayern München, Dortmund, Leipzig, Frankfurt
FRARNCE: Paris Saint-Germain, LOSC Lille
RUSSIA: Zenit, Lokomotiv Moskva
PORTUGAL: Benfica
UKRAINE: Shakhtar Donetsk
BELGIUM: Genk
TURKEY: İstanbul Başakşehir

26 kooxood ayaa si toos ah ugu soo bixi doona heerka guruubyada Champions league iyada oo ay ka mid noqon doonaan kooxaha ku guulaysta Europa League iyo Champions League halka lix kooxood ay isreeb reeb ku soo gudbi doonaan.

Min afar kooxood ayaa heerka groupyada Champions League ugu soo bixi doona horyaalada England, Spain, Germany, Italy iyo France halka Russia ay u soo bixi doonaan labada kooxood ee kaalinta kowaad iyo labaad ku dhamaystaa waxaana sidoo kale soo bixi doona kooxaha ku soo guulaysta horyaalada Portugal, Ukraine, Belgium iyo Turkey.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR