Subaxnimadii maanta, kooxda kubadda cagta ee Barcelona ayaa ku dhowaaqday inuu dhaawac soo gaarray laacibkeeda Philippe Coutinho.

Laacibka reer Brazil ayaa waxaa ka xanuunsanayaa dhaawac kasoo gaarray muruqa lugtiisa bidix, waxaana uu seegayaa ciyaaraha xulalka qaranka ee soo aaddan iyo kullanka ugu soo horreeyo ee ay Barcelona ciyaareyso.

Barca ayaa Axadda soo aaddan kullan ka tirsan La Liga waxa ay la qaadaneysaa kooxda Real Betis, waxaana ay billaw u tahay kullamada uu seegayo Coutinho.

Macallin Ernesto Valverde ayaa ku qasban inuu sameysto saf xooggan isagoo ay ka maqanyihiin xiddigo muhiim ah sida Philippe Coutinho iyo Lionel Messi, walow la filayo in Captain Messi uu soo laabto.

Xiddigaha kala ah Malcom iyo Ousmane Dembele ayaa noqonaya kuwo diyaar u ah inay buuxiyaan booska Coutinho.

Malcom ayaa kullankii xalay ee Inter Milan gool dhaliyay waxaana uu dareemayaa inuu wax badan caawin karo.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR