Tababarihii hore ee kooxda Barcelona ee Louis van Gaal ayaa eedayn kulul u soo jeediyay Lionel Messi wuxuuna ku eedeeyay in sababta ayna Barcelona shan sanadood ugu guulaysan koobka Champions League ay tahay in aanu Messi ahayn koox ciyaarsiiye.

Louis van Gaal ayaa sidoo kale tusaale u soo qaatay in Neymar Jr uu yahay ciyaartoyga shaqsi ahaan kubbada cagta aduunka ugu fiican balse in aanu koox ciyaarsiiye ahayn ay isagana sabab ugu noqotay in aanu muddo shan sanadood ah ku guulaysan Champions league.

Waxa kale oo uu Louis van Gaal iftiimayay waxa ay Pep Guardiola iyo tababarayaashii kale ee Lionel Messi ku soo shaqeeyay ku kala duwanaayeen ee hoos u dhigtay awoodii uu xidiga reer Argentina lahaa.

Louis van Gaal ayaa ku dooday in Pep Guardiola uu ahaa tababare kaliya ee Messi siiyay fursada ay kooxda inteeda kale kula shaqaysay halka uu tababarayaashii kale ku eedeeyay in ay noqdeen kuwo ku tiirsan wax qabadka Messi oo kaliya oo ay koox ahaantii lumiyeen.

Louis van Gaal oo Messi ka hadlaya ayaa yidhi: ‘Anigu waxaan aaminsanahay in aanu jirin wax ka muhiimsan koox ciyaarsiiyuhu, Barca taas ayay u soo dhibtootay. Waxaan filayaa in ay Messi waajib ku tahay in uu naftiisa waydiiyo siday suurtogal ku noqotay in aanu waqti aad u dheer ku guulaysan Champions league”.

Laakiin Van Gaal ayaa Messi eedayn u sii jeedinaya ayaa yidhi: “Eeg Barcelona, imisa Champions league ayay iyagu ugu soo guulaysteen midka uu qof kastaaba sheegayo in uu yahay ciyaartoyga aduunka ugu fiican?”.

Intaas kadib Van Gaal ayaa eedaynta u leexiyay Neymar Jr oo uu arko in uu yahay ciyaartoyga shaqsi ahaan marka uu kali yahay ugu fiican wuxuuna yidhi: “Eeg Neymar oo jooga PSG, imisa Champions league ayuu isagu ku guulaystay? waa ciyaartoyga shaqsi ahaan aduunka ugu fiican, sababtoo ah xogtiisa layaabka leh, laakiin muxuu shan sanadood ugu guulaysan waayay Champions league?”.

Van Gaal oo Messi iyo kabtanimadiisa ka hadlaya ayaa yidhi: “Ka kabtan ahaan, waxaa waajib kugu ah in aad naftaada waydiiso maxay tahay sababta aanad Yurub ugu guulaysan? waxaan filayaa in Barcelona uu masuul kaga yahay Messi oo ayna kaliya ahayn tababaraha”.

“Waxay haystaan koox ka kooban 30 ciyaartoy waxaanan aaminsanahay in ay Messi waajib ku tahay in uu isaga laftiisu la qabsado waxa ka dhacaya Barcelona ee kaliya ma aha tababaraha mana aha wax taas horjeeda”.

Van Gaal oo sharaxaya farqiga Guardiola iyo tababarayaashii kale ee Barcelona  ee Messi la soo shaqeeyay ayaa yidhi: “Guardiola waxa uu isaga (Messi) ka dhigay in uu kooxda ka faa’iidaystay, laakiin dhawrkii tababare ee ugu danbeeyay waxay in badan la qabsadeen Messi halkii ay kooxda ruuxdeeda ilaalin lahaayeen, ruuxda kooxda ayaa ah waxa ugu muhiimsan, Messi waxaa lagu habeeyay qorshihii Guardiola”.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR