Kabtanka Kooxda kubada cagta Barcelona, ee Andes Iniesta, ayaa wuxuu daboolka ka qaaday saaxiibkiisa dhabta ah, oo uu ku dhexleeyahay camaaliqda Horyaalka Spain, wuxuuna ku tilmaamay inuu yahay Lionel Messi.

Labadaan wiil ayaa waxay kasoo wada qalin jabiyeen Akedeemiyada Blaugrana, waxaana ay kula guuleysteen Naadigaan koobab fara badan, waxaana ay ahayaeen saaxiibo waqti badan, isla soo qaatay, sida uu sheegay Iniesta.

Ku guuleystaha koobka aduunka ee sanadkii 2010-kii, ayaa wuxuu carabka ku dhuftay in Messi uu yahay mid shaqsi ahaantiisa, uga duwan dadka kale, wuxuuna ku sifeeyay inuu yahay mid caqli badan, oo wax waliba fahmaya, sida uu yiri.

Isagoo la hadlay Idacaad kasoo baxda Gobolka gooni isku taaga ah, ee Catalonia, ayaa ciyaaryahanka inta ka dhiman nolashiisa ciyaaraha siiyay Barca, wuxuu ku dheeraaday ka sheekeynta waayahooda Akademiyada Lamesia.

Wuxuu sheegayaa inay ahaayeen kuwa isku mar wada imaan jiray Xarunta tababarka, isagoona cadeeyay inuu ahaa midka kaliya oo uu la socon jiray, islamarkaana ay isku sheegi jireen wax waliba.

Sikastaba, Andes Iniesta ayaa wuxuu kuso gaba gabeeyay hadalkiisa in Lionel Messi uu rajeynayo inay iska mid ahaadaa Kooxdaan, inta ka dhiman xirfadooda wuxuuna rajo fiican ka muujiyay inuu saxiixo doono heshiis cusub.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR