Kabtanka kooxda kubada cagta Barcelona, ee Andres Iniesta, ayaa wuxuu hoos udhigey sheekooyinka ku aadan inuu dagaala adag uu kala kulmi doono saxiixa cusub ee kooxda kubada cagta Barca ee Coutinho.

Laacibkaan reer Brazil ayaa wuxuu uga yimid Liverpool, kadib markii ay kusoo iibsatey aduun dhan 192 Malyuun oo Dollar, isagoona noqdey xidigii ugu qaalisanaa oo ay soo iibsato abid Camaaliqada La Liga.

Iniesta oo warbaahinta uwaramayey kadib kulankii ay xalayto ku xasuuqeen 5-0, Celta Vigo, ayaa wuxuu sheegay in aysan jirin wax xifaaltan ah oo dhexmari doono isaga iyo Coutinho, laakiin kaliya ay wada daafici doonaa Barcelona

Wuxuu yiri: “Waxaan ahay ciyaaryahan kooxdaan ka tirsan, waxaan had iyo jeer aan sheegayaa inaan isku deyi doono inaan udheelo sida ugu wanaagsan.

Mar uu ka hadlayey Coutinho ayaa wuxuu yiri: “Waa ciyaaryahan tayo fiican leh, wuxuuna halkaan uyimid sidii uu uga qeyb qaadan lahaa horumarka hada ka socda Kooxdaan.

Wuxuu raaciyey: “Kama walwalsani, wax ku saabsan, inaan ka fariisto ama aan lumiyo booskeyga joogta ah ee kooxda, ma jiro wax ku saabsan arrinkaas, waxaana rabaa inaan uwada gaarno hadafkaas si wada jir ah.

Wuxuu daba dhigey: “Imaanshaha Coutinho ima saameyn doonto waa ciyaaryahan wanaagsan, waana saaxib aan isku koox nahay waxa kooxda uwanagasan ayaana qof walba ufiican.

Wuxuu kusoo gaba gabeeyay: “Macalinka ayaa go’aamin doona qofka dheeli doona, laakiin waxaan dareemayaa inaan udheelayo si fiican, waxaana jirin wax dhibaato ah, oo hada udhaxeeya inaga iyo saaxibadey mana imaan doonaa.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR