Da’yarka xukla qaranka France iyo kooxda PSG ee Kylian Mbappe ayaa shaaciyay in garoonka dhexdiisa uu ugu dhiman karo macalinka xulkiisa France ee Didier Deschamps isla markaana uu u samayn karo wax walba oo uu ka dalbado.

Didier Deschamps ayaa ahaa tababarihii Klyian Mbappe siiyay fursadii uu xulka qarankiisa ugu soo biiray isaga oo aad u da’yaraa isla markaana uu ku soo darsaday liiskii xulka France ugu soo guulaystay koobkii aduunka ee Russia 2018.

Sababta ugu wayn ee uu Kylian Mbappé  ugu sheegay in uu u dhiman karo Didier Deschamps ayaa ah aaminaadii uu ka helay markii uu Monco ka tirsanaa ee uu waliba waqti dheer dhaawac ku maqnaa isaga oo da’yar ahaa.

Waxa kale oo uu Kylian Mbappé sheegay in haddii Deschamps uu ka dalbado in uu goolhaye u noqdo xulkiisa in uu taas u fulin doono.

Kylian Mbappé oo ka hadlaya kalsoonidii uu ka helay Didier Deschamps  iyo waxa uu ugu abaal gudi lahaa ayaa yidhi: “Waxaan si khaas ah uga fikirayaa in uu aniga i soo doortay markii aanan ciyaarayn, ciyaartoyga waxa badan ee ay ula micno tahay ma garanaysaan”.

“Waa fariin, waa fariin aad u xoogan, waxay la calaamad tahay kalsoonida la qiimaha ah aduunka oo lacag ah. Waxaan ogahay in aniga uu tababaruhu i aaminsan yahay” ayuu Mbappe hadalkiisa raaciyay.

Kylian Mbappé oo ka hadlaya kalsoonida uu ka helay Deschamps iyo waxa uu ugu abaal gudi lahaa haddii uu dalab ka heli lahaa ayuu yidhi: “Markii uu taas sameeyay, waxaan dareemayay in aan tan iyo markaas isaga garoonka ugu dhiman karo, haddii uu ii sheego in aan goolka ka ciyaaro, waan ka ciyaarayaa”.

Didier Deschamps ayaa Mbappe ka caawiyay in uu si buuxda u hogaamiyo weerarka xulka qarankiisa France tan iyo markii uu ka soo dhex baxay kooxdiisii hore ee AS Monaco, waana sababta uu da’yarkani wax walba ugu huri karo Deschamps.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR