ISBAR-BARDHIG: Kalmadihii Uu Pual Pogba Ku Gilgilay Old Trafford Iyo Erayadii Uu Eden Hazard Kaga Baxay Chelsea Oo u Muuqda Kuwo Hal Meel Ka Soo Wada Baxay.

Xidiga xulka qaranka France iyo kooxda Manchester United ee Pual Pogba ayaa shalay gilgilay maamulka iyo taageerayasha kooxdiisa United kadib markii uu si buuxda saxaafada uga hore sheegay in uu diyaar u yahay in uu baxo.

Laakiin kalmadaha uu Pual Pogba adeegsaday ma aha kuwo ku cusub dhegaha kubbada cagta waana erayadii uu Eden Hazard ugu gogol xaadhay wada xaajoodkii guulaystay ee ay Real Madrid kagala wareegtay Chelsea.

Waxaa si wayn loo filayaa in nooca erayadan ahi ay yihiin kuwo ka soo wada baxay hal meel oo ah maamulka Real Madrid si ay khilaaf u kala dhex dhigaan Pual Pogba iyo maamulka kooxdiisa markaas oo ay aaminsan yihiin in Old Trafford laga ogolaan doono dalabkooda.

Waxaa isbar bar dhig lagu sameeyay kalmadaha Pual Pogba iyo kuwii uu Eden Hazard hore u sheegay markii uu ku jiray ololaha bixitaankiisii Chelsea ee ay maamulka Blues diidanaayeen in ay wada xaajood layeeshaan Real madrid.

Pual Pogba waxa uu si aan hore loo arag u shaaciyay sida uu u doonayo in uu xagaagan ka baxo Manchester United isaga oo tilmaamay inay tahay waqtigii ugu fiicnaa ee uu tartan cusub raadsan lahaa.

Pual Pogba ayaa hore u sheegay in ay riyadiisa tahay in uu Real Madrid kula shaqeeyo Zinedine Zidane oo isaguna maamulka Madrid si xoogan ugu cadaadinaya in ay xidiga reer France la soo wareegaan.

Florentino Perez ayaa inta badan adeegsada ciyaartoyda uu doonayo in uu la soo saxiixdo waxayna maamulka Madrid fariintooda dhex mariyaan xidiga bartilmaameedka u ah oo ay saxaafada sal u tahay.

Talaabada xigta ee ay Madrid qaadi doonto haddii hadalka hore ee Pogba uu wax badali waayo ayaa ah in xidiga reer France lagu riixi doono in uu qoro warqada dalabka bixitaankiiisa Old Trafford taas oo ah heerka ugu danbeeya ee isku dayga Madrid.

Halkan kaga bogo isbar-bar dhiga hadaladii Eden Hazard iyo Pogba:

Hazard: “Maybe it’s time for a new challenge” Micnaha: “Laga yaabee in ay tahay waqtigii tartanka cusub”

Pogba: “It could be time for a new challenge”   Micnaha: “Waxay noqon kartaa waqtigii tartanka cusub”.

Erada isku micnaha ah ee uu Pual Pogba ka soo min guuriyay Eden Hazard iyo xidigo badan oo hore, waxay muujinayaan sida uu ugu heelan yahay in uu xagaagan ka soo muuqdo Bernabeu.

Taageerayaasha Manchester United ayaa cadho wayn ka muujinaya in Pual Pogba uu ixtiraam daro wayn ku samaynayo kooxdiisa waxayna ku baaqeen in sida ugu deg dega badan loo iibiyo.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR