Caawa ayay fooda is dari doonaan kooxaha Chelsea iyo Liverpool kulan lagu balansan yahay Anfield Road waxaana ay labada kooxood kulankan dagaalami doonaan iyaga oo leh laba hammi oo kala duwan.

Kahor kulanka labada dhinac ayaanu halkan ku eegi doonaa isbar-bardhiga xogta labada xiddig ee kala horkaca kooxahan ee Mohamed Salah iyo Eden Hazard kuwaas oo midkasta caawa kooxdiisu ku xisaabtamayso.


Kahor isbar-bardhiga tirooyinka wax-qabadkooda waxaanu isbar-bardhigi doonaa daqiiqadaha uu xiddig kasta ka ciyaaray horyaalka Premier League maadaama aynu kaliya isku bar-bardhigayno waxa ay kasoo qabteen horyaalka.

Aan ku horraynee Salah ayaa isagu horyaalka kasoo ciyaaray 2824 daqiiqo halka uu Hazard soo ciyaaray 2544 taas oo la micno ah in xiddiga ree Masar uu ka wakhti badnaa garabka xulka Belgium.


Haddii ay noqoto dhinaca goolasha, Mohamed ayaa Eden ka horreeya 2 gool maadaama oo uu leeyahay 18 gool halka Hazard uu leeyahay 16 gool oo horyaalka ah.

Hazard ayaa isaguna dhinaciisa hoggaamiyay Salah marka ay noqoto dhinaca gool caawimada maadaama oo uu 12 gool kasoo caawiyay asxaabtiisa Blues halka Salah uu Reds ka caawiyay 7 gool.

Dhinaca kale marka ay noqoto taabashooyinka lagu dhex sameeyo xerada ganaaxa ee kooxda kasoo horjeeda oo qudheedu ah qoddob muhiim ah ayuu ku horreeyaa Salah kaas oo inta badan dhex jooga xerooyinka ganaaxa kooxaha kale maadaama 281 jeer halkaas ku taabtay kubadda halka Hazard uu taabtay 192.

Ugu dambayn, Dhinaca fursad samaynta ayaa ah mid uu Hazard kaga fiican yahay Salah waxaana uu soo sameeyay 85 fursadood halka Salah uu soo sameeyay 58 fursadood.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR