Kooxda Liverpol ayaa lala xidhiidhinayaa xidigo badan oo ay suurtogal tahay in Reds ay xoojin ahaan ula soo saxiixan karto waxaana ka mid ah xidigaha Liverpool lala xidhiidhinayo Timo Werner, Nicolas Pepe iyo Nabil Fekir.

Jurgen Klopp waxa uu kooxdiisa ku haystaa Mohamed Salah, Sadio Mane iyo Roberto Firmino oo weerarka si joogto ah uga ciyaarayay, laakiin markii ay waqtigii muhiimka ahaa ee xili ciyaareedkii dhamaaday ay hal mar wada maqnaadeen Salah iyo Firmino ayuu go’aan adag qaatay Klopp.

Liverpool waxaa ka baxaya Sturridge kaas oo June 30 si xor ah ugu biiri kara kooxda uu doono, waxayna Reds suuqa ugu jirtay in ay badalkiisa heli karto laakiin waxaa la ogaaday xidiga uu Klopp doonayo in uu weerarkiisa ku xoojiyo.

Wargayska Liverpool Echo oo inta badan si gaar ah uga faalooda kooxda Liverpool ayaa muujiyay in Jurgen Klopp uu ka maarmi karo dhamaan ciyaartoyda weerarka ee lala xidhiidhinayo ee ay ka midka yihiin Timo Werner, Nicolas Pepe iyo Nabil Fekir.

Warka ayaa sheegaya in Jurgen Klopp uu doonayo in halkii uu gool dhaliye lacag ku kharash garayn lahaa in uu fursad siiyo gool dhalyaha sida wayn loo qiimeeyo ee Rhian Brewster kaas oo qayb ka ahaa liiska kooxdii Reds ee finalkii UEFA Champions league.

Rhian Brewster waxa uu ka mid yahay ciyaartoyda mustaqbalka wayn ku leh kubbada cagta wuxuuna isku soo muujiyay kooxaha da’yarta Reds iyo waliba xulka da’yarta England oo uu koobka aduunka kula soo guulaystay.

Maadaama oo uu Jurgen Klopp shaxda kooxdiisa ku haysto Mohamed Salah, Sadio Mane iyo Roberto Firmino oo ayna suurtogal ahayn in uu keensado ciyaartoy booskooda kula tartami kara, waxa uu Rhian Brewster u arkaa mid xoojin u noqon kara xili ciyaareedka cusub.

Klopp oo sumcad wayn ku leh in uu ciyaartoyda da’yarta ah fursad fiican siiyo isla markaana uu dhiirogalin fiican u samayn karo, waxa uu Rhian Brewster xili ciyaareedka cusub heli doonaa door kooxda kowaad ka mid ah.

Sababta uu Klopp kaga maarmayo gool dhaliye uu la soo saxiixdaa kuma koobna fursada uu siinayo Rhian Brewster laakiin waxa uu sidoo kale doonayaa in uu kulamada saaxiibtinimo tijaabiyo Harry Wilson oo isna xili ciyaareed fiican ku soo qaatay kooxda Derby County oo uu amaah ku joogay.

Waxa uu Klopp qiimayn doonaa xaalada Harry Wilson inta lagu jiro kulamada saaxiibtinimo ka hor inta aanu go’aan ka gaadhin xaaladiisa laakiin Rhian Brewster waxa uu haddaba ka mid yahay ciyaartoyda uu Klopp ku xisaabtami doono.

Divock Origi iyo Xherdan Shaqiri oo lagu daray da’yarka Rhian Brewster iyo Harry Wilson ayaa dhamaantood u noqonaya sabab aanu Klopp ugu baahnayn in uu lacag ku kharash gareeyo gool dhaliye ubaahan kara waqti uu kooxda kula qabsan doono.

Si kastaba ha ahaatee, 19 sano jirka Rhian Brewster ayaa kulamada saaxiibtinimo ee xili ciyaareedka ka horeeya waxa uu fursad wayn ka heli doonaa in Mohamed Salah iyo Sadio Mane ku maqan yihiin tartanka qaramada Afrika halka Firmino uu ku mashquulsan yahay Copa America.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR