Waxaa si aad ah loo hadal hayaa macquul ahaanshaha uu Neymar Jr ugu laaban doono horyaalka Spain ee La Liga, halkaas oo ay ka baadi goobayaan kooxaha FC Barcelona iyo Real Madrid.

Balse laacibka kooxda Paris Saint-Germain ayaa qirtay inuu ku fikirayo inuu mar uun ka ciyaaro horyaalka Inigiriiska ee Premier League-ga.

Xiddigga ugu qaalisan kubadda cagta ee Neymar ayaa waxa uu xagaagii 2017 ku biiray kooxda PSG xilligaas oo uu Barcelona kasoo dhaqaaqay, balse waxa uu noqday mid si aad ah loola xiriiriyo inuu ku laaban doono horyaalka La Liga.

Benjamin Mendy oo ka tirsan Manchester City ayaa Neymar barta YouTube ku weydiiyay inuu usoo dhaqaaqi karo horyaalka Ingiriiska.

Xiddigga reer Brazil ayaana ku jawaabay inay macquul tahay inuu ka ciyaari karo horyaalka Premier League.

Mendy ayaa weydiiyay Neymar: “Ma kula tahay inaad mar uun horyaalka Ingiriiska ka ciyaari doonto?”

Xiddiggii hore ee Barca ayaa ku jawaabay: “waa tartan weyn, mid ka mid ah kuwa dunida ugu weyn.

“Ma garaneyno waxa berri dhici doono, balse waxaan aaminsanahay in ciyaaryahan walba oo weyn, ugu yaraan hal maalin, ay tahay inuu ka ciyaaro Premier League”.

Inkastoo uu carrabka ku dhuftay inay macquul tahay ka ciyaaristiisa Premier League-ga haddana kama aysan dhignayn inay tahay go’aankiisa kama dambeysta ah.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR