Caawa waa gurcud dam ah. Haddana, waa kasii goor iyo goob qul ah. Qolka baas maxaa iftiin oo dhan ka qariyey! Waxaan horjoogaa iskaa-tustada jooga qofka ka dheer ee ku ligan gidaarka. Waxaan rabaa inaan is arko. Saw lama odhan iyadaa iskaa-tusi? Kolba dhinac ayaan isku malmalaa. Aad baan u eegaa dhankay iga xigto. Waxaan dhiibiyaa hugayga. Waxaan nabaa baarka sare ee tintayda. Raqabada shaadhkaan toosiyaa markaasaan qoorta iyo madaxana kor u yar wada gundhiyaa anigoo faruurta hoose oo kor u taagan dhoosa sare ku yar xajinaya. Markaan intaa ku qancay, ayaan iska soo jiifsaday. Gama’se goor horaa iigu dambaysay.

Galab dhawayd, waxa i soo booqday saaxiibkay Dugsiiye. Inta cadceedi jirto uun buu ila joogaa. Halkaas ka soo horjeeda iskaa-tustada ayuuna fadhiistaa. Waan arkaa. Si fiican ayaan u arkaa. Oo xataa iskaa-tustada waan ka dhex arkaaye! Haybadda wejigiisa ka muuqata inta badan toos uma eegi karo. Iskaa-tustadaas ayaa iiga miciin ah. Waxaan ugu jecelahay marka uu hadlayo Dugsiiye. Ma sharixi karo. Waanse jecelahay. Jacayl la sharixi karaa ma jacayl baa? Alla maxaan kula yaabay!

Kolay sidaas igaga tegi mayside, haydh-haydh bal aan kuugu suureeyo Dugsiiye oo sheekaynaya. Waaba marka ay quruxdiisa, haybadiisa, codkarnimadiisa, iyo runtiisu isula falgalaan lama-arag ee naftaada oo aad moodo in la sitaayi ay wada rumayso waxaas uu sheegayo, jiritaankiisa iyo macaanida ku dheehan dareenkaas oo isku dhan, waxna dheer yihiin. Nolosha baarkeeda ayaan joogsadaa anigoo ay ii wada muuqdaan wax kastaayi. Waxa ii muuqda ma wada odhan karo; kamana wada aamusi karo – sawnigaa rogan marka aan ugu saaxisanahay.

Galabta dhawayd wuxuu iiga sheekeeyey… oo ma anigaaba uga sheekayn kara sidiisii! Wuxuu lahaa iyo sidii uu u lahaa, sidaan uga arkayey iskaa-tustada, ayaan u wada xusuusanahay. Imikadaa ayaan maqlayaa oo aan arkayaa. Horta muu i horjoogaa sawnigan xataa urinaya udugiisii? Dugsiiye oo sheekaynayaa, sida runta oo kale, waa gobo’ aanad goyn karin; waa qurux aanad qeexi karin; iyo weliba waa bes aanad bes odhan karin.

Naftu waxay i leedahay intaad carisqali lahayd sheekadii Dugsiiye, bal wuxuu ka hadlay uun, ereyadiisa iyo siduu u yidhiba iga reeboo, ma sheegtaa? Haddana shawrku wuu igu diidayaa. Nin si isku mid ah hadal u soo celin kara isagaan arkay. Hadal iska daaye, anigu muuqiisa ayaanan si isku mid ah u wada arkin marka aan iskaa-tustada ka daawanayo iyo marka aan toos u eegayo. Bidaartayda, hadda waa taas aan u saqaf daayey, si isku mid ah ayuu uga wada arkaa iskaa-tustada iyo horjoogaygaba. Maba kala jecla inuu isoo eegayo, iyo inuu iga sii jeedo: aragiisu waa sidiisa. Waa kii i weydiinayey, isagoo iska og, garba-galaha waxa maray xilli aanu toosba ii eegayn, xagal quman oo ugu beegan iskaa-tustaduna aanay jirin. Muxuu wax ku arkaa!

Wuxuu iiga sheekeeyey arrimo xeeldheer. Siduu lahaa faylasuufkii Shiinaha ahaa, magacu waxa ma aha. Muuqu asalka ma aha. Dugsiiye waa magac. Isaga ma aha. Muuquna kan aan arkayo waa mid, haa kiisa haybadda ku shaqlan. Ka aan ka arko iskaa-tustaduna waa mid kale, dabcan oo ii debacsan aniga. Muuqaq kale inuu leeyahayna la arke, oo qaarkood cabsi hagoogtaan. Sidayda. Sida marka aan goor dam ah iskaa-tustada horteeda madaxayga bayaayada leh tintiisa aan ugu nanabayo.

Sheeko noocaas ah haddana kasii fog ayey ahayd. Sheekadayada ayey ahayd. Tu aan wadaagno dhammaanteen. Waa sheekada hadda taal…

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR