Caawa waxaa la soo gaba gabayn doonaa heerkii groupyada ee tartanka Copa America ee ka socday dalka Brazil waxaana haddaba la sii shaaciyay isku aadka wareega siddeed dhamaadka tartankan.

Inta badan xulalka siddeed dhamaadka ka qayb gali doona ayaa soo baxay laakiin waxaa caawa lagu kala bixi doonaan Group C iyada oo markaas si rasmi ah loo ogaan doona isku aadka siddeed dhamaadka oo dhamaystiran.

Xulalka qaramada Brazil iyo Argentina ayaa ku kala badbaaday in ay wareega siddeed dhamaadka isaga hor yimaadaan kadib markii uu xulka Argentina xalay kaalinta labaad kaga dhamaystay Group B ee guushii ay ka gaadheen Qatar iyo guuldaradii Paraguay ka soo gaadhay Colombia.

Haddaba siduu Noqonayaa isku aadka Siddeed dhamaadka Copa America?

Markii isku aadka heerka groupyada Copa America la sameeyay waxaa la sii dhigay qaacidada ay xulalku iskugu beegmayaan siddeed dhamaadka waana isla arinta haddaba lagu ogaaday qaabka ay xulal soo baxay u wada ciyaari doonaan.

Taariikhda iyo watiga la ciyaari doono kulamada siddeed dhamaadka Copa America ayaa haddaba la sii shaaciyay in kasta isku aadku si rasmi ah u dhamaystirmi doono marka caawa la ciyaaro kulamada ugu danbeeya ee Group C.

Xulka qaranka Argentina ayaa haddaba si rasmi ah u og in ay Venezuela ku kulmi doonaan siddeed dhamaadka Copa America kadib markii ay labada xulba kaalinta labaad kaga soo dhamaysteen Group A iyo Group B.

Laakiin xulka qaranka Brazil ayaa caawa sugi doona mid kaalinta saddexaad ku dhamaysan doona Paraguay iyo Japan ee u soo bixi doona siddeed dhamaadka Copa America.

Xulka Paraguay ayaa kaalinta saddexaad ee Group B ugu jira 2 dhibcood laakiin haddii uu xulka Japan helo natiijo ka fiican isaga ayaa loo soo dalacsiin doonaa siddeed dhamaadka Copa America balse Brazil waxay sugaysaa in Paraguay ama Japan ay kula ciyaari doonaan Quarter-finalka Copa America.

Halkan Kaga Bogo Qaabka Isku Aadka Siddeed Dhamaadka Copa America Iyo Taariikhda la Ciyaari doono Kulamadan.

Brazil vs Paraguay/Japan/Ecuador -Jimcaha, June 28(3:30am Xiliga Geeska Afrika)

Venezuela vs Argentina-Jimcaha, June 28 (10:00 Xiliga Geeska Afrika)

Colombia vs Chile/Uruguay– Sabtida, June 29 (10:00 Xiliga Geeska Afrika) (2:00am Xiliga geeska Afrika)

Chile/Uruguay vs Peru/Paraguay – Sabtida, June 29 (10:00 Xiliga Geeska Afrika) (8pm Xiliga geeska Afrika)

Natiijooyinka kulamada caawa ee Group C ayaa si rasmi ah loogu kala bixi doonaa balse isla qaabkan aan soo sharaxnay ayuu noqon doonaa isku aadku.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR