Xiddiga garabka Kooxda Inter Milan Ivan Perisic ayaa wali ku adkeysanaya in uu qandaraas cusub u saxiixi doonin Naadigiisa si uu ugu biiro kooxda ugu guulaha badan Horyaalka Egland ee Manchester United,Sida ay ku waramayso Jariirada The Sun Kooxda man united ayaa rajo weyn ka qabta helida Ciyaaryahanka Perisic, kaddib markii uu wakiilkiisa wadahadalo hoose la furtay Kooxda man united.


Ivan Perisic ayaa Kooxdiisa kula jira qandaraas ilaa iyo sanada 2019-ka, balse sida laga soo xigtay wargeysyada gudaha dalka Talyaaniga ayaa fahansan in xiddiga heerka caalami ee Wadanka Croatia uu doonayo u dhaqaaqista Kooxda Red Devils.
Si kastaba ha ahaatee’ macalin Jose Mourinho ayaa hore u sheegay in heshiiska Perisic uu u muuqato mid aan dhici doonin, balse haatan diyaar u ah in uu helo adeega garabka midig ee Kooxda Inter milan.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR