(London) 16 Maajo 2018 Xiddiga qadka dhexe ee Arsenal iyo xulka ingiriiska ee Jack Wilshere ayaa ka falceliyay ka haridiisa koobka adduunka.

Tababare Gareth Southgate ayaa la sheegay inuu ka reebay Jack Wilshere liiska uu soo xushay taas oo niyad jabisay laacibka Arsenal.

“Maxaan samayn doonaa 7-da isbuuc ee soo socota” ayuu baraha bulshada ku soo qoray xiddiga kooxda Arsenal ee Jack Wilshere.

Maanta ayaa la filayaa in tababare Gareth Southgate uu ku dhawaaqo liis ka kooban 23-laacib oo uu u soo xushay koobka adduunka.

Gool FM

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR