Weeraryahankii hore ee Liverpool Emile Heskey ayaa ku booriyay Jurgen Klopp in uu la soo saxiixdo xiddiga Jadon Sancho halkii uu la soo saxiixan lahaa xiddigaha Kylian Mbappe & Erling Haaland.

Xiddigii hore ee England, oo Reds ku soo biiray 2000 Kagana soo biiray Leicester City ayaa la waydiiyay xiddiga uu aaminsanyahay in uu Jurgen Klopp u dhaqaaqo xagaaga.

Inkasta oo la siiyay fursad uu ku dooran karo Mbappe iyo Haaland oo ku jira qaab ciyaareed cajiib ah hadana Waxa uu doortay xiddiga Borussia Dortmund ee Jadon Sancho kaas oo uu dareensanyahay in uu ku fiicanyahay Liverpool.

Heskey ayaa sheegay in uu u doortay Sancho madadaalintiisa iyo waliba awooda uu ku khal-khal galin karo daafacyada.

Isaga oo arintaas ka hadlaya ayuu yidhi”Mbappe waa xiddig cajiib ah oo fiican waana xiddig sii wada in uu maalinba maalinta ka dambaysa sii fiicnaanayo”.

Advertisements

“Waa xiddig diirada saaraya in uu si joogto ah qaab ciyaareed fiican u soo bandhigo laakiin Liverpool waxa ay u baahantahay xiddig garabka ku fiican marka loo bar-bar dhigo weerarka tooska ah dhanka kale goolasha Haaland ayaa ah kuwo muhiim ah”.

“Waxa aan dooranayaa Sancho sababta oo ah waa xiddig reer England ah oo leh madadaalo sidoo klale xiddig garabka ka soo gali karo ciyaarta waliba khal-khalin kara daafaca”.

Sii Akhriso: DEG-DEG: Maalinta Axada Oo Noqon Doonta Maalinta 1-aad Ee Ciidul Fitrida

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LLIKE OUR FACEBOOK PAGE