Xiddiga Khadka dhexe uga ciyaara kooxda Liverpool ee
James Milner ayaa tilmaamay kooxaha uu doonayo in ay Liverpool ka fogaato isku
aadka 8 dhamaadka champions League.

James Milner ayaa sheegay in uu doonayo in ay Liverpool
ka fogaato kooxaha premier League isku aadka champions Leageu.

Reds ayaa si cajiib auah u gaadhay 8 dhamaadka champions
League kadib markii ay garaacday Bayern Munich 3/1 ugu awood sheegatay.

Goolal ay dhaliyeen Sadio Mane iyo Virgil Van Dijk ayaa
Reds ka caawiyay in ay Bayern Munich ku garaacdo garoonkeeda Allianz Arena.

Kadib guushaas kooxaha premier League ayaa 4 kooxood ku
leh 8 dhamaadka tartanka champions League iyaga oo shaki la,aan ah in ay 2
kooxood isku dhici karaa.

Laakiin Milner oo ka mid ahaa kooxdii Lverpool ee gaadhay
finalka champions League sanadkii hore 8 Dhamaadkana ku reebay Man City ayaa
sheegay in uuna doonayn in ay isku aadaan koox premier League ah.

“Waxa ay u fiicantahay kubada England”ayuu Milner u
sheegay BT Sport, “Waa waxa aad doonaysaan laakiin uma malaynayo in aan
doonayno in aan isla ciyaarno wareega xiga laakiin waan arki doonaa waxa
dhaca”.

“Waxa aan dareemaynaa in aanu sii wadi karno tartanka
sidii aanu u samaynay sidii hore sidaas darteed aanu eegno ilaa halka aanu sii
wadi karno”.

Advertisement

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR