Da’yarka dhawaan kazoo hilaacay kooxda SL Benfica ee Joao Felix ayuu kazoo yeedhay hadal yaab leh oo uu tusaale uGu soo qaadanayo waxyaabaha ugu waaweyn ee ay ka caawisay guusha uu dhawaanahan gaadhay.


Felix ayaa markale ka yaabsaday dunida kubadda cagta waxaana soo qaatay toddobaad cajiib ah isaga oo uGu horreynba saddexley goolal ah kazoo dhaliyay Frankfurt kulan Europe League ah waxaana intaas u dheeraa gool kale oo uu toddobaadkan ka dhaliyay horyaalka Portugal.

Felix ayaa ah mid lagu naanaysay Ronaldo-ha cusub wuxuuna taas ku muujinayaa awoodiisa ciyaareed oo ah mid qasabtay inuu xiiso ka helo inta uGu badan kooxaha waaweyn ee qaarada Yurub kuwaas oo isha ku haya.


Iyadoo ay sidaas tahay ayuu da’yarkani ka hadlay mid kamid ah waxyaabaha ay guushiisa iyo caanimadiisu ka caawisay taas oo uu ku sifeeyay inay tahay inay sawirro qaawan usoo diraan gabdhuhu/Habluhu.

Joao ayaa yidhi “Guushu waxay I caawisay in badan gaar ahaan dhinaca gabdhaha kuwaas oo isoo dira sawirro qaawan, Waxaan helaa kuwo (Sawirro) qaawan, Taasi waa dhab laakiin markasta waan inkiraa”


Felix ayay haatan kooxaha lala xidhiidhinayo uGu horreeyaan Man United iyo Juventus iyadoo waliba kooxda ree Talyaani hore iskugu dayday inay kula saxeexato 75 Milyan balse laga diiday.

Benfica Ayaan sinaba ku fasixi doonin xiddigan ilaa kooxaha doonaya ay bixiyaan lacagaha lagu xidhay heshiiskiisa ee 120 Milyan-ka ah kuwaas oo ah kuwo adkaan kara.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR