Xidiga xulka qaranka Argentina iyo kooxda Juventus ee Paul Dybala ayaa hoos u dhac wayni ku yimid tan iyo markii uu Cristiano Ronaldo soo gaadhay Turin waxaana jira warar soo baxaya oo sheegaya in Dyabla ay qasab ku noqon doonto in uu Juvnetus iskaga baxo.

Khabiirka kubbada cagta Talyaaniga ee Adam Digby ayaa sheegay in Paul Dybala  ay mijo xaabin ku noqotay  tan iyo markii uu Cristiano Ronaldo kooxda Juventus ku soo biiray wuxuuna xusay in Dybala lagu qasbi karo in uu Turin ka baxo.

Khabiirka kubbada cagta Talyaaniga ee Adam Digby oo Dybala ka hadlaya ayaa yidhi: “Anigu waxaan filayaa in Dybala uu noqon doono midka ciyaartoyga ah ee lagu qasbi doono in uu dhaqaaqo. Waxaan filayaa in joogitaanka cristiano Ronaldo ay Juventus ku qasabtay in ay saddex weerar ah ku ciyaareen xili ciyaareedkii la soo dhaafay, booska kaliya ee Dybala u banaani waa garabka midig oo aan isaga ku haboonayn”.

Adam Digby oo ka hadlaya halka Pualo Dybala uu farxad ku dareemo ayaa yidhi: “Isagu waxa uu in badan raaxo ku dareemaa ka danbaynta No.9 ka, xaqiiqdiina isagu xili ciyaareedkan wuu ku soo dhibtooday in uu la qabsado”.

“Waxa uu ahaa xili ciyaareedkiisii ugu liitay tan iyo markii uu Juventus soo gaadhay 2015 kii, saddex gool oo kaliya ayuu horyaalka ka soo dhaliyay, wuxuuna xaqiiqdii ahaa ciyaartoyga ay mijo xaabisay joogitaanka Ronaldo”. ayuu Adam Digby hadalkiisa sii raaciyay.

Ugu danbayn Adam Digby ayaa sheegay in xagaagan uu Pualo Dybala iskaga bixi doono kooxdiisa Juventus wuxuuna yidhi: “Waxaan si buuxda u arki karaa isaga oo xagaagan baxaya oo raadsanaya meel uu doorkiisa dabiiciga ah kaga ciyaari karo”.

Paulo Dybala ayaa marar badan lala xidhiidhinayay kooxo waa wayn oo yurub ah oo ay ka mid yihiin Manchester United, Liverpool iyo Bayern Munich.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR