( Abu Dhabi ) 12 Jan 2019. Jose Mourinho ayaa kaalin la yaab leh ugu soo laaban doona shaqada kubbada cagta mar ay asbuuca dambe wada cayaarayaan kooxaha Arsenal iyo Chelsea.

Tani waa shaqadii u horreysay uu ninka Portuguese qabto tan iyo markii laga ceyriyay kooxda Manchester United. Taasoo uu Mourinho ku hogaamiyay bilaabashadii ugu xumeed Premier League xagaagan wuxuuna shaqadiisa waayay kaddib kulankii 3-1 qasaraa ay kala kulmeen Liverpool bishii lasoo dhaafay.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa si kumeel gaara loogu magacaabay booska Mourinho isagoona durba muujiyay guulo muhiima kaddib markii uu badiyay dhammaan shantii kulan uu ilaa hadda kooxda leyliyay.

55-jirkaan ayaa lala xariirinayaa shaqada Benfica si lamida inuu dib ugu laabto Real Madrid . Yeelkeede, Mourinho ayaa ku wareeray mana doonayo inuu maamule ka noqdo Portugal waqtigaan iyadoo la warinayo inuu wadahadalo kula jiro Los Blancos.

Iminka, Mourinho ayaa ka shaqeyn doona inuu noqdo Falanqeye cayaarahaa.

TV-ga BeIN SPORTS ayaa shaaca ka qaaday in maamulihii hore ee Red Devils laga dalbaday inuu Falanqeeye ka noqdo Istuudiyaha Tv-ga kulanka u dhaxeeya Arsenal iyo Chelsea oo la cayaarayo 19-bishan January oo todobaadka dambe ku aadan.

Mourinho ayaa sido kale falanqeye ka noqon doona cayaarta ka tirsan Kooba Asia ee u dhaxeysa xulalka Qatar iyo Saudi Arabia laba maalin ka hor dheesha London derby.

Macalinka Portuguese ayaa u ahaa Falanqeeye Tv-ga  xaruntiisa tahay Russian ee RT ama “Russia Today “ xagaagii lasoo dhaafay cayaaraha koobka adduunka.

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR