(Manchester) 10 Agoosto 2018. Manchester United ayaa dooneysa in ay abaal marin kaga dhigto Paul Pogba calaamada kabtanimada, si ay ugu qal qaaliyaan inuu kusii sugnaado garoonka Old Trafford.

Waxaa dhawaanahan jiray warar ku aadan in xidiga khadka dhexe ee reer France Paul Pogba uu u dhaqaaqi doono kooxda Barcelona.

Manchester United ayaa ka walwalsan rabitaanka paul Pogba ee ku aadan inuu doonayo u dhaqaaqista kooxda Barcelona, kadib markii uu sidoo kale wakiilkiisa Mino Raiola xiriir la sameeyay saraakiisha kooxda reer Spain.

Kooxda reer England ayaa ku adkeesaneysa in 25 jirkan reer France aysan iibin doonin, xili sidoo kale la fahansan yahay in xiriirka kala dhexeeya Jose Mourinho uusan fiicnayn.

Laakiin ka dib markii uu ogolaaday inuu ciyaaro kulanka Leicester City ee daah furka horyaalka Premier League, Mourinho ayaa go’aansaday inuu ku abaal mariyo Pogba calaamada kabtanimada.

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR