Madaxweynaha Kooxda Barcelona ee Josep Maria Bartomeu ayaa meesha ka saaray in uu xiddiga reer Brazil ee Neymar mar kale ku soo laaban doono kooxda Barcelona.

Neymar ayaa ka tagay Barcelona xagaagii 2017 isaga oo ku biiray kooxda PSG kadib markii uu noqday xiddiga ugu qaalisan suuqa kala iibsiga kadib markii ay PSG 222 milyan euro ka bixisay adeegiisa.

Josep Maria Bartomeu oo la hadlaya wargayska Mundo Deportivo ayaa yidhi”Waxa aan horay u cadeeyay in aan mashruuc fiican la leenahay xiddigaha Ousmane Dembélé iyo Phillippe Coutinho oo aan kula soo wareegnay lacagtii aan ka helnay Neymar markii uu doortay in uu go,aansaday in uu isaga tago kooxda”.

“Haatan Ousmane Dembélé ayaa ka fiican Neymar waxana uu la qabsaday qaab ciyaareedka kooxda Barcelona si la mid ah Coutinho waa xiddig fiican marba marka ka dambeeya wuu soo fiicnaanayaa”.

Josep Maria Bartomeu oo ka hadlaya xaalada Coutinho ayuu yidhi” Ma Ahan Wax fudud in lala qabsado kooxda Barcelona Coutinho waxa uu nagu soo biiray xagaagii, waxana uu kaliya muddo 6 bilood ah nala joogay laakiin haatan wuu la soo qabsanaya qaab ciyaareedka kooxda”.

“Coutinho waxa uu kooxda kula jiraa heshiis waxana uu sii joogi doonaa kooxda, Barcelona waxa ay u baahantahay xiddigo kala duwan waxana aan haysanaa xiddigo kala duwan”.

Advertisement

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR