(Manchester) 08 Nof 2018. Laacibka reer  Spain ee Juan Mata ayaa tilmaamay inuu dib ugu laabanayo kooxdiisa hore ee Valencia, hadii ay dhacdo inuu ka tago Manchester United xagaaga soo aadan.

Juan Mata ayaa ka mid ah ciyaartoy dhowr ah uu dhacayo heshiiskooda dhamaadka xili ciyaareedkan, wuxuuna wada hadal la furan karaa kooxda uu doonayo, isagoo ugu dhaqaaqi kara beeca xurta ah.

30 jirkan ayaa la fahansan inuu xiiseenayo dib ugu laabashada dalkiisa hooyo ee Spain, waa hadii uu doonayo in xili ciyaareedka soo aadan uu ka dhaqaaqo kooxda Manchester United.

Wararka ayaa waxay intaas ku sii darayaan in Juan Mata uu ugu horeyn doonayo inuu ogaado bal in kooxdiisii hore ee Valencia ay xiiseenayso adeegiisa, kahor inta uusan wada hadal la furanin kooxaha kale.

Laakiin waxaa xusid mudan in Juan Mata uu kusoo bilaawday 4-tii kulan ee ugu dambeesay ee kooxda Manchester United, waxaana ilaa iyo haatan kala cadeyn inuu saxiixi doono heshiis cusub uu ku sii joogayo Old Trafford.

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR