( Italy) 16 Maajo 2018. Juventus ayaa diiradada saaraneysa sidii ay ula soo saxiixan laheyd laacibka Mateo Kovacic hadii kooxda ay lumiso Sami Khedira, sida wararku ay sheegayaan.

Kooxda Liverpool ayaa kamid ah naadigaya loo sadaalinayo inay la wareegan waaga araagan jarmalkaa, kasoo hore u xeeqay inuu doonayo ka ciyaarista Premier League.

Massimiliano Allegri ayaa la fahansan yahay inuu dib u dhiso kooxda qadkeeda dhexe si naadiga ay guulo uga keeno tartanka Champions League.

Sida ay warineyso Corriere dello Sport waxa uu bartilmaameed sanayaa Kovacic 24 jira kaaso macquul ay tahay inuu badalo Khedira.

Kovacic wuxuu hore uga cayaaray horyaalka Serie A, markasoo uu kamid ahaa kooxda  Inter Milan intii u dhaxeysay sanadkii 2013 ilaa 2015.

Yeelkeede, kooxda ay qasab ku noqotay inay ka iibiyaan Real Madrid labo sano ka hore si ay u xaqiijiso inay u hoggaansamaan sharciga dhaqaale wanaaga Uefa.

Inkastoo uu muhiin ka yahay safka Zinedine Zidane marnaba ma noqon mid joogta ugu soo bilaawda kooxda koowaad waxaana laga yabaa inuu dhaqaaqo si uu u helo ciyaaro joogta ah.

Wuxuu ku guuldareystay inuu kamid noqdo kooxdii loo magacaabay finaalka 2016 ee  Champions League sido kale wuxuu ahaa badal aan la isticmaalin finaalkii 12 bilood ka hor ay kooxdu gaartay.

Natiijada sawirka Mateo Kovacic has previous in Serie A

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR