(Europe) 11 Okt 2018. Juventus ayaa Chelsea iyo Liverpool kula soo biirtay loolanka loogu jiro saxiixa laacibka qadka dhexe ee Arsenal Aaron Ramsey.

Qandaraaska uu wiilka reer Wels ku joogo Emirates ayaa ka dhici doona bisha May.

Blues iyo Reds ayaa la aaminsan yahay inay hogaaminayaan tartanka loogu jiro 27-jirka kaddib markii ay Arsenal dib u dhigtay dalabkeeda ku aadan inay qandaraaska u kardhiso.

Picha inayohusiana

Daily Mail ayaa iminka sheegeysa in camaaliqada reer Talyaani ay ku soo biirtay dagaalka loogu jiro Ramsey.

Juventus ayaana tartanka uga guuleysan karta Chelsea iyo Liverpool maadaama ay tahay koox ka dhisan dibadda, waxayna awoodi doonaan inay wada hadalo la furaan laacibka isla markaana u bandhigaan mushaar qaali ah.

Maadaama uu beeca xorta ah ku soo tagayo, Ramsey ayaa si fudud u dalban kara heshiis uu usbuuciiba ku qaadanayo 250,000 oo bound.

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR