Kooxda Juventus ayaan wali iska dhiibin rajadeeda ah in ay kooxda Ajax kala soo saxiixan karto difaaca dhexe ee Matthijs de Ligt isla markaana ay sii wadi karto dagaalka ay kula jirto kooxaha PSG, Barcelona iyo Man United.

Juventus ayaa qaaday talaabadii ugu danbaysay ee ay iskugu dayayso in ay kabtan kooxda Ajax ee Matthijs de Ligt ay keento Turin iyada oo waliba la ogaa qaabkii uu Cristiano Ronaldo dalabka tooska ah ugu gudbiyay xidiga reer Holland.

Wargayska Tuttosport oo dalka Talyaaniga ka soo baxa ayaa shaaciyay in kooxda Juventus ay isku daygii ugu danbeeyay ku doonayso saxiixa Matthijs de Ligt.

Waxa uu wargayska Tuttosport sheegay in maamulka kooxda Juventus ay arinta De ligt u xilsaareen Pavel Nedved kaas oo hadda sii toos ah ula xaajoon doona wakiilka De ligt ee Mino Raiola.

Pavel Nedved ayaa isku dayi doona in uu Matthijs de Ligt iyo wakiilkiisa Mino Raiola uu ku qancin karo in goobta ugu haboon ee 19 sano jirkani ay kooxdiisa Juventus tahay.

Matthijs de Ligt ayaa hadda fasax ku maqan wuxuuna waraysigii ugu danbeeyay ku sheegay in uu qaadan doono go’aanka ugu haboon waayihiisa ciyaareed isaga oo ku dooday in lacagtu ayna dhibaato ahayn.

Si kastaba ha ahaatee, kooxaha PSG iyo Manchester United ayaa mushaarkii ugu qaalisanaa u soo bandhigay Matthijs de Ligt balse ilaa hadda go’aankiisa muu gaadhin waxayna Juventus doonaysaa in ay fursadan markii ugu danbaysay isku daydo.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR