Kooxda siddeeda jeer ee xidhiidhka ah soo hanatay tartanka horyaalka Serie A ee Juventus ayaa lagu soo warramayaa inay isha ku hayso dhaq-dhaqaaqa kooxaha Real Madrid iyo Chelsea ee ku saabsan heshiiska Eden Hazard.

Real ayaa si joogto ah loola soo xidhiidhinayay garabka Chelsea ee Hazard waxaana warkii ugu dambeeyay oo uu soo saaray wargeyska L’Equipe uu sheegayaa in Madrid ay heshiiska 28 jirkaas ku dhawaaqi doonto kaddib Final-ka Europe League oo ay Chelsea ciyaarayso.

Maxay Tahay Faa’idada Juventus Ugu Jirta In Real Madrid Ay Lasoo Saxeexato Hazard?

Wargeyska ree Talyaani ee TuttoSport ayaa sheegaya in Juventus ay u dhaqaaqi doonto saxeexa Isco haddiiba ay Real la heshiiso oo ay ku dhawaaqdo imaanshaha Hazard.

Tababaraha Real Madrid ee Zinadine Zidane ayaa lagu soo warramayaa inuu aaminsan yahay in Hazard iyo Isco ay wada ciyaari karaan balse Juve ayaa doonaysa in Isco ay ku qalqaaliso kusoo biirista kooxdeeda haddiiba Hazard uu ugu yimaado Bernabeu.

Kooxda tababare Maxi Allegri ayaa doonaysa inay suuqa xagaagan inta ugu badan kooxdeeda kasoo xoojiso khadka dhexe oo ah halka ay ka liidato xilli ciyaareedkan.

Dhawaan ayay ahayd markii xiddigii hore ee Juve ee Andrea Pirlo oo u warramay saxaafadu uu sheegay in dhibaatadu tahay khadka dhexe oo aysan jirin cid kubadda si habsami leh u gaadhsiisa Cristiano Ronaldo iyo weerarka kale.

Hadalka Pirlo ayaa odhanayay “Allegri waxa uu xilli horeba maskaxda ku haystaa kooxda mustaqbalka dhexduna waa meel u baahan in la xoojiyo, Malaha taasi waa waxa waayeen sanadkan, Juve waxa ay la’ayd tayo dhexda ah”

“Waxa ay soo iibsadeen Ronaldo laakiin ma garanayaan sida kubadda loo gaadhsiiyo, Si aad meel fog uga gaadho Champions League, Si aad u gaadho Final-ka waxaad u baahantahay khad dhexe oo fiican”

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR