(Turin) 11 Nof 2019. Juventus ayaa markale la wareegtay hogaaminta horyaalka Serie A kaddib markii ay Allianz Stadium kaga adkaatay AC Milan 1-0, ciyaar ka tirsaneyd kulamada 12-aad ee horyaalka Talyaaniga.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray barbaro 0-0 ah ay isku dhaafi waayeen labada kooxood Juventus iyo AC Milan.

Qeybta labaad ee ciyaarta marka dib ay dib isugu soo laabteen labada kooxood ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, waxayna sameeyeen fursado halis ah ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 77-aad kooxda Juventus ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Paulo Dybala, iyadoo uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Gonzalo Higuain.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku dhamaatay 1-0 ay kaga adkaatay Juventus kooxda AC MIlan oo marti ugu aheyd garoonka Allianz Stadium.

SAWIRRO:

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR