Wararka ka imaanay dalka Italy ayaa sheegay in wakiillo ka tirsan kooxa Valencia ay joogaan gudaha Talyaaniga si ay u dhammeeyaan wada hadallada ku aaddan Joao Cancelo.

Cancelo ayaa xilli ciyaareedkii idlaaday amaah kula joogay kooxda reer Talyaani ee Inter Milan, balse rabitaanka Nerazzuri waxaa xaddidayay maadaama aysan bixin karin lacagaha lagu burburin karo heshiiska laacibkan uu kula jiro kooxda reer Spain sababo la xiriiro xaddidaadda sharciga dhaqaale wanaagga ee FIFA.

Sidaas darteed kooxda Bianconneri ayaa si aad ah isugu qalabeysay iibka difaaca dadabka midig ka ciyaara xilli agaasimaha guud ee Juventus Giuseppe Moratta uu xaqiijiyay inay u arkaan saxiix weyn.

Agaasimaha ayaa shalay sheegay inaysan jirin wax wada hadallo ah oo dhex maray labada koox, balse maanta Sky Iltalia ayaa daabacday in wakiillo ka tirsan Valencia ay ku sugan yihiin gudaha dalka Talyaaniga si ay Juve ula meel dhigaan heshiiska laacibka reer Portugal.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR