(Torino) 13 Feb 2018 – Waxaa caawa lugta hore ee wareegga 16-ka ee Champions League ku ballansan labada kooxood ee Juventus iyo Tottenham oo ku dheelaya magaalada Torino.

Dhanka Juve: Macallin Allegri ayuu ikhtiyaarku ku gaaban yahay. Marka laga soo tago Cuadrado iyo Matuidi, waxaa sidoo kale maqan Dybala iyo Barzagli. Isagoo doonaya inuu isku celceliyo safka uu haysto oo uu kusoo safayo shaxda 4-3-3, dadabka midig waxaa difaacaya De Sciglio oo beddelaya Lichtsteiner oo muruq ka sheeganaya. Khad dhexe waa Sturaro, Bentancur iyo Marchisio oo hal boos isku haysta, waloow uu yara cad cad yahay wiilka reer Uruguay. Weerarka  Douglas Costa ayaa garab weerarka midig uga horreeya Bernardeschi.

Dhanka Spurs: Pochettino ayaa ka quustay Alderweireld oo aan weli soo kabanin, taasoo ku khasbaysa inuu shaxdiisa u beddelo 4-2-3-1. Tiirarka dhexe waa Dier-Dembelé,halka Son uu ka cadcad yahay Sissoko.Lamela iyo Llorente midkood baa kaydka loo dhaadhicinayaa.

KAYDKA

  • 23 SZCZESNY, 24 RUGANI, 22 ASAMOAH, 8 MARCHISIO, 27 STURARO, 37 MURATORE, 33 BERNARDESCHI
  • 13 VORM, 24 AURIER, 12 WANYAMA, 17 SISSOKO, 11 LAMELA, 27 LUCAS MOURA, 18 LLORENTE

GANAAXAN

AAN LA HELI KARIN

  • Barzagli, Howedes, Cuadrado, Dybala, Matuidi, Lichtsteiner
  • Alderweireld

Gool FM

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR