Madax waynaha kooxda PSG ee Nasser Al-Khelaifi ayaa xagaagan u muuqda mid doonaya in uu boodhka iska jafo isla markaana uu badalo habdhaqankii kooxdiisa ee uu inta badan ku raali galin jiray ciyaartoyda waxaana ka muuqata is adkayn iyo waliba in uu wax badalayo.

Kadib markii uu Nasser Al-Khelaifi si aan abid looga baran uu uga hadlay xidigaha kooxdiisa isla markaana uu Neymar Jr iyo Klyan Mbappe ugu hanjabay in aanu ka yeeli doonin hab dhaqanka ay sameeyaan, waxa uu soo saaray laba sharci oo cusub.

Maamulka kooxda PSG ee uu hogaaminayo Nasser Al-Khelaifi waxay sidoo kale gabi ahaanba badaleen nooca ciyaartoyda ay suuqa kala soo wareegayaan kadib markii ay arkeen fashilka kooxdooda waxayna hadda bartilmaameedsanayaan ciyaartoy da’yar ah iyo kuwo aad qiimahoodu u hooseeyo.

Labada sharci ee uu Nasser Al-Khelaifi ku soo rogay ciyaartoyda kooxdiisa PSG marka ay tababarka joogaan ayaa muujinaysa sida uu u doonayo in uu ula xisaabtayo iyo in uu ka shaqeeyo isdhex galkooda.

Labada Sharci Uu Nasser Al-Khelaifi Ku Soo Rogay Ciyaartoyda Kooxdiisa PSG:

1- Ciyaartoyda PSG waxaa looga baahan yahay in waqtiga tababarka ay si wada jir ah u wada qaadan doonaan quraacda iyo qaddada iyada oo waliba la kordhin doono tirada waqtiyada ay ciyaartoydu sida wada jir ah wax u cuni doonaan si isdhex galkooda loo xoojiyo.

2- Waxaa jiri doonta ciqaab adag haddii ay ciyaartoydu tababarka ku iman waayaan waqtiga laga doonayo iyada oo aan loo ogaan doonin in ay ka soo daahaan xarunta tababarka.

Warbaahinta France ee RMC ayaa shaacisay in maamulka kooxda PSG ee uu hogaaminayo Nasser Al-Khelaifi ay doonayaan in la kordhiyo tirada waqtiyada ay ciyaartoydoodu xarunta tababarka ay si wada jir ah ugu cuntayn karaan.

Arintan waxaa laga doonayaa in ay abuurto jawi isdhex gal iyo isfahan oo ciyaartoyda dhexdooda ah balse arinta labaad ayaa ah mid lagu ciqaabi doono ciyaartoyda ka soo daahda ama habsaanta xiliga tababarka.

Waxayna arintani keeni kartaa in isku dhacyo badani ay ka buurmi karaan go’aanka Nasser Al-Khelaifi ee ciqaabta adag lagu saari doono ciyaartoyda soo daahda.

Ma aha wax cusub in kooxuhu ay ganaaxyo saaraan ciyaartoyda xarunta tababarka ka soo daaha, balse kooxda PSG ayaa doonaysa in ay ciqaab aadag mariso xidigaha aan waqtigii la doonayay tababarka ka soo xaadirin.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR