( London ) 12 Jan 2019. Mauricio Pochettino ayaa habeen noqday taageere Manchester United – taasi waxay aheyd sababta Ole Gunnar Solskjaer.

Maamulaha Argentinian ayaa qirtay inuu ahaa mid “qeylo ku dabaaldagay ” xilligii uu ninka reer Norwegian dhaliyay goolkii caajibaha ahaa oo ay koobka Champions League ku qaaday  Manchester United sanadkii 1999-kii.

Pochettino iyo Solskjaer ayaa beri fooda isku dari doona garoonka Wembley waxaana suuragala in labada shaqsiba ay ka warbixiyaan rajadooda ay ku noqon doonaan maamulaha ugu cadcad shaqada United.

Laakiin inkastoo uu faraxsanaa habeenkii Barcelona macalinka Spurs, iminka waa bartilmaameedka ugu weyn ee ka badalaya Jose Mourinho Old Trafford, wuxuuna yahay mid aan qasran inuu taagerayay United.

Wuxuu shaaca ka qaaday in isaga iyo saaxiibkiisii kooxda Espanyol hadana ah macalinka goolhayaasha Tottenham Toni Jimenez ay aadeen garoonka Nou Camp kulankii United iyo Bayern Munich wuxuuna yiri: “Waxaan halkaa la joogay Toni oo aan ku daawaneyay kulan cajiib ah oo dhexdhexaad ahaa.

“laakiin sida aan u qeyliyay goolkii Manchester United wuxuu ahaa cajiib.

“waxay aheyd 90-daqiiqo markii uu gool dhaliyay Teddy Sheringham, markaa Peter Schmeichel wuxuu kasoo baxay goolkiisa.

“waxaan yiri ‘wow, kulan cajiiba, iminka waa waqtigii dhimashada.’

“ka dibna, markaa Solskjaer ayaa dhaliyay gool, waan qeylinay, dabaaldagnay, mana garanayo sabbabta, maxaa yeelayay waqtigaa waxaan aheyn kuwo dhexdhexaad ah.

“laakiin jawigu wuxuu ahaa cajiiba. Iyadoo aan iminka aan dareen sanahay inaan kulmeeyno 20 sano kaddib.”

Ole Gunnar Solskjaer of Manchester United scores an injury time winner in the UEFA Champions League Final against Bayern Munich at the Nou Camp

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR